Home Wararka Maanta Xoogaga Xuuthiyiinta oo gantaal ku dhuftay markab ganacsi oo marayay Badda Cas

Xoogaga Xuuthiyiinta oo gantaal ku dhuftay markab ganacsi oo marayay Badda Cas

by Laacib

Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ayaa maanta gantaal ku weeraray markab nooca xamuulka oo laga leeyahay dalka Mareykanka.

Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain ayaa sheegtay in gantaalka uu ku dhacay qaybta sare markabka.

Hay’adda ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in dab uu qabsaday markabka, balse ma jirto sida ay sheegtay khasaare xoogan oo soo gaaray.

Sida ay hay’addu sheegtay markabkan oo laga leeyahay dalkaasi Mareykanka ayaa watay Calanka Jasiiradda Marshall.

Shirkadda Eagle Bulk Shipping ayaa sheegtay in markabkeeda Gibraltar Eagle lagu weeraray meel ku dhow Dekedda Magaalada Cadan ee dalkaasi Yemen.

Shirkadda ayaa qoraal ku sheegtay inaysan jirin cid wax ku noqotay gantaalka haleelay markabkeeda, marka laga soo taggo in dab uu qabsaday.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa wacad ku maray inay ka aargudan doonaan weeraradii militari ee isbahaysiga uu hoggaamiyo Mareykanka ay Jimcihii iyo Sabtidii ka gaysteen goobaha ay kaga sugan yihiin dalkaasi.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii labaad ee ay Xuuthiyiinta ku bartilmaameedsadaan maraakiibta laga leeyahay Mareykanka. Mar sii horreysay ayay gantaal nooca lidka maraakiibta ku weerareen markabka dagaal ee USS Laboon, oo marayay koonfurta Badda Cas.

Weerarada militari ee xulafada Mareykanka ayaa uga sii daray xiisadda markii horeba ka jirtay marinka mashquulka badan ee Badda Cas.

Maraakiibta kunteenarada iyo kuwa booyadaha shidaalka ayaa bilaabay inay ka weecdaan Badda Cas, iyagoo hadda adeegsanaya marin biyoodka Cape of Good Hope, oo ah waddo wareeg oo kharashkeedu uu badan yahay.

Xuuthiyiinta ayuu qasdigoodu yahay in ay si buuxdo marinka Bab al-Mandeb ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed uga joojiyaan maraakiibta u socda Israel iyo kuwa kale ee Israel laga leeyahay, si ay Tel Aviv ugu khasbaan inay soo afjarto duulaankeeda Gaza iyo go’doominta muddada dheer ay ku hayso dhulka Falastiiniyiinta.

Mareykanka iyo Ingiriiska oo Israel ku garab siinaya weeraradeeda Gaza ayaa isku dayaya in ay hakiyaan weerarada ka imaanaya dhanka Xuuthiyiinta.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree ayaa sheegay si kasta oo culeys loo saaro Xuuthiyiinta inaanay joojin doonin tallaabada ay ku go’doominayaan sida uu yiri dekedaha xoogga looga haysto Falastiin.

Afhayeenka ayaa xusay in Israel iyo xulafadeeda galbeedka ay u furan tahay inay joojiyaan dembiyada ka dhacaya Gaza, si iyana ay u soo afjaraan hawlgalada militari ee Badda Cas, balse taasi ayaa la fahamsan yahay inaanu xilligan diyaar u ahayn Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu.

Maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ayaa dhibane u noqday weerarada baahsan, ee ay Ciidamada Israel ka wadaan Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc