Home Wararka Caalamka Xoogaga Xuuthiyiinta oo gantaal ku dhuftay markab laga leeyahay dalka Norway

Xoogaga Xuuthiyiinta oo gantaal ku dhuftay markab laga leeyahay dalka Norway

by Laacib

Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka loo gaystay markab laga leeyahay dalka Norway.

Markabka ayaa la weeraray xalay, xilli uu maraayay meel ku dhow marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandeb ee kala xadeeya Jaziiradda Carabta iyo Bariga Afrika.

Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa sheegay inay gantaal ku weerareen markabka ganacsiga STRINDA ee laga leeyahay dalkaasi Norway.

Xuuthiyiinta ayaa war ay maanta soo saareen ku sheegay in hawlgalkaasi militari ee ka dhanka ah markabkaasi uu qayb ka yahay hawlgalada ay kaga soo horjeedaan duqaymaha baahsan ee Israel ka waddo Marinka Gaza.

Weerarka ayaa sababay in dab uu ka kaco markabka, sida uu sheegay Taliska Dhexe ee Militariga Mareykanka, oo intaasi ku daray inaanay jirin cid ku dhimatay weerarkaasi.

Taliska Dhexe ee Militariga Mareykanka ayaa sheegay in markabku uu weerarka ka dib awooday in socodkiisa uu sii wato.

Afhayeenka Ciidamada Xuuthiyiinta, Yahya Saree oo mar dambe hadlay ayaa sheegay in shaqaalaha markabka ay dhegaha ka fureysteen awaamiirtooda ku aaddan inaanay maraakiibta caalamiga ahi taggi karin Dekedaha Israel.

“Ciidamada Qalabka Sida waxay sii wadi doonaan go’doominta ay saareen Dekedaha Israel, illaa iyo inta Israel ay ka ogolaaneyso in Gaza la geeyo cunto iyo dawo ku filan.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Markabka kiimikada ah ayaa hadda ku sii jeeda deked ammaan ah, sida uu Wakaaladda Wararka Reuters u sheegay milkiilaha markabka, Geir Belsnes.

Geir Belsnes ayaa sheegay in dhammaan shaqaalihii markabka la socday oo ka koobnaa 22 qof, una dhashay dalka India ay ka badbaadeen weerarkaasi.

Shirkadda la socodka maraakiibta ee Kpler ayaa sheegtay in markabka STRINDA uu ka ambabaxay dalka Malaysia, haatana uu ku sii jeeday Magaalada Venice ee dalkaasi Talyaaniga.

Markabka STRINDA oo ah nooca saliidda iyo kiimikada ayaa ka mid ah maraakiibta shirkadda maraakiibta ee Mowinckels Rederi ee fadhigeedu yahay Bergen, Norway.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc