Home Dhacdooyin Xoogaga Xuuthiyiinta oo si xun u waxyeeleeyay markab nooca xamuulka

Xoogaga Xuuthiyiinta oo si xun u waxyeeleeyay markab nooca xamuulka

by Laacib

Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ayaa si xun u waxyeeleeyay markab nooca xamuulka ah, kaas oo sida la sheegay laga leeyahay dalka Ingiriiska.

Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa tiro gantaalo ah ku weeraray markabka Rubymar, xilli uu marayay marin biyoodka Badda Cas, sida uu sheegay Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree.

Afhayeenka oo maanta Warbaahinta ka soo muuqday ayaa sheegay in markabka uu haatan halis ugu jiro inuu deggo amaba qaraqmo.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in weerarku uu qayb ka yahay hawlgalada ay ka wadaan Badda Cas ee ay garab istaagga ugu muujinayaan shacabka Falastiiniyiinta.

Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO) ayaa sheegtay in gurmad loo fidiyay markabka lagu guuleystay in laga soo daadgureeyo shaqaalihii la socday.

UKMTO ayaa sheegtay in markabka uu burbur ka soo gaaray gantaalo laga soo tuuray dhinaca Yemen, mana bixin faah faahin ku aaddan inta uu burburku le’egyahay.

Shirkadda qaabilsan amniga maraakiibta ee laga leeyahay UK ee LSS-SAPU ayaa sheegtay in markabka ay haleeleen laba gantaal oo ka soo dhacay jihada Yemen, waxyeelana ay ka soo gaartay markabkaasi.

LSS-SAPU ayaa sheegtay in markabka ay biyo badan soo galeen, iyadoona xaqiijisay inaanay jirin cid hadda saaran.

Wararka ayaa sheegaya in markabka uu ka yimid dalka Emirate-ka Carabta, isla-markaana uu ku sii jeeday dalka Bulgaria.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa ku warameysa in markabka iyo agabkii uu wadayba ay khatar ugu jiraan inay quusaan amaba kiidaan.

Horey uma dhicin in markab ay Xuuthiyiinta weerareen uu u dhaadhaco gunta hoose ee badda.

Haddii markabka kunteenarada ee Rubymar uu quuso ayaa noqonaya, kiisii ugu horreyay ee u kiido weerar ay u gaysteen Xuuthiyiinta Yemen.

Yahya Saree, Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta ayaa sheegay inay sii socon doonaan weerarada ay ku hayaan maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee laga leeyahay Israel, Mareykanka iyo Ingiriiska, illaa iyo inta ay Israel gumaadeyso shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool dhulka la go’doomiyay ee Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc