Home Wararka Caalamka Xoogaga Xuuthiyiinta oo weerar culus ku ekeeyay markab uu leeyahay Mareykanka

Xoogaga Xuuthiyiinta oo weerar culus ku ekeeyay markab uu leeyahay Mareykanka

by Laacib

Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ayaa weerar culus ku qaaday markab dagaal, oo ay leeyihiin Ciidamada Badda Mareykanka, kuna sugan Badda Cas.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree ayaa sheegay in xoogagooda ay gantaalo iyo diyaarado drones ah ay ku weerareen markabkaasi.

“Ciidamadeenna ayaa bartilmaameedsaday markab Mareykan ah, oo taageero siinayay Maamulka Sahyuuniyadda (Israel).” Ayuu yiri Afhayeenka.

Waxa kaloo uu yiri “Tiro badan oo isugu jira gantaalaha balaastikada, kuwa badda iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa lagu weeraray markabka.”

Afhayeenka ayaa tilmaamay in weerarkan ay kaga aargudanayeen weerar ay Ciidamada Mareykanka 31-kii bishii December ay ku dileen 10 ka mid ah ciidamadooda, kuna burburiyeen saddex doomood oo ay wateen.

“Hawlgalka waxa uu ahaa mid bilow ah oo looga jawaabayay weerarkii qiyaanada ahaa ee ciidamada cadowga Mareykanka ay ku qaadeen ciidamadeenna.” Ayuu yir Yahya Saree, Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta.

Afhayeenku ma sheegin khasaaraha ay gaarsiiyeen Ciidamada Mareykanka iyo markabkaba, balse waxa uu yiri “Waxaan mar kale ku celinaynaa inaanan ka waaban doonin hawlgalada militari ee Badda Cas, waxaana diyaar u nahay inaan dadkeenna ka difaacno dhammaan khataraha cadowtinimada ah ee xuquuqda sharciga ah ee lagu difaacayo walaalaheenna Falastiin.”

Afhayeenka ayaa caddeeyay in ay sii wadi doonaan hawlgalada lagu beegsanayo maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku socda dekedaha ay maamulaan.

“Ciidamadeennu waxay sii wadi doonaan hawlgalada ay kaga hortaggayaan in Badda Cas iyo Badda Carabta ay ka gudbaan maraakiibta Sahyuuniyadda iyo kuwa kale ee ku socda dekedaha xoogga looga haysto Falastiin, illaa laga soo afjaro gardarada Sahyuuniyadda ee Gaza, lana qaado go’doominta shacabka.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee aan xiriirka la lahayn Israel ay mari karaan Badda Cas, isla-markaana aysan wax mushkilad ah ku qabin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc