Home Wararka Caalamka Xoogaga Xuuthiyiinta oo weeraray maraakiib ay ku jiraan kuwo laga leeyahay Israel

Xoogaga Xuuthiyiinta oo weeraray maraakiib ay ku jiraan kuwo laga leeyahay Israel

by Laacib

Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegay inay weerareen tiro maraakiib ah, oo laba ka mid ah laga leeyahay Israel.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree ayaa Axaddii sheegay inay gantaalo iyo diyaaradaha drones-ka ee is qarxiya ku garaaceen maraakiib laga leeyahay dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Israel.

“Annagoo ka jawaabayno dulmiga lagu hayo shacabka Falastiiniyiinta iyo weerarada cadowtinimada ah ee Mareykanka iyo Ingiriiska ay ka wadaan dalkeenna ayaa waxaan 72-kii saac ee la soo dhaafay qaadnay illaa shan weerar.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa Warbaahinta u sheegay “Markab laga leeyahay Ingiriiska iyo dhowr markab oo kale oo Mareykanka uu leeyahay ayaan ku weerarnay Badda Cas, halka Badda Carabta iyo Badweynta Hindiya aan ku beegsanay laba markab oo Sahyuuniyadda ay leedahay, kuna sii jeeday dekedaha xoogga looga haysto Falastiin.”

Isagoo sii hadlayay ayuu yiri “Gantaalahayna ayaa si sax ah u haleelay bartilmaameedkoodii.”

Yahya Saree, Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta ayaan bixin faah faahin intaasi dheer, waxaase uu ku hanjabay inay sii wadi doonaan weerarada maraakiibta laga leeyahay dalalkaasi, inta ay Israel sii waddo duulaankeeda Gaza.

Shirkadda Amniga Badda ee Britain (Ambrey) ayaa mar sii horreysay sheegtay in ay heshay xog sheegeysa in markab lagu weeraray Gacanka Cadmeed, meel 102 nautical miles koonfur galbeed kaga beegan Magaalada Mukalla ee dalkaasi Yemen.

Ambrey ayaan faah faahin ka bixin markabkaasi, dalka laga leeyahay iyo haddii ay jirto waxyeelo markabka & shaqaalihii la socdayba ka soo gaartay weerarkaasi.

Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO) ayaa iyana sheegtay in Axaddii uu gantaal ku dhacay meel u dhow markab marayay Gacanka Cadmeed, isla-markaana uusan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray markabka iyo shaqaalihii saarnaa.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa 12-kii bishii January dalka Yemen ka bilaabay bartilmaameedyo ka dhan ah goobaha ay Xuuthiyiinta maamulaan, si loo joojiyo weerarada ay ku hayaan maraakiibta ganacsiga caalamiga ah.

Isbahaysiga Mareykanka oo muddo saddex bilood ah xagga cirka ka garaacayay Xuuthiyiinta ayaan illaa iyo hadda ku guuleysan in ay joojiyaan weeraradooda maraakiibta.

Weerarada Xuuthiyiinta ayaa inta badan shirkadaha maraakiibta ku khasbay inay ka fogaadaan isticmaalka marin biyoodyada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyadoo markaasi la ilaalinayo badqabka maraakiibta, shaqaalaha iyo shixnadaha ay sidaan.

Xuuthiyiinta Yemen waa garabka ugu weyn ee militari ee ka jira Bariga Dhexe, isla-markaana ka biyo diidan duulaanka Israel ee Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc