Home Wararka Maanta Xubno ka tirsan Golaha Shacabka oo booqday deegaanka Wabxo (SAWIRRO)

Xubno ka tirsan Golaha Shacabka oo booqday deegaanka Wabxo (SAWIRRO)

by Laacib

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii gaaray deegaanka Wabxo, oo 43km dhinaca waqooyi kaga beegan Magaalada Ceelbuur ee Bariga Gobolka Galgaduud.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa Isniintii la wareegay gacan ku haynta Wabxo, oo ay maleeshiyada Al Shabaab ku lahaayeen difaacooda hore ee Magaalada Ceelbuur.

Xildhibaanadan oo kala ah Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Xuseen Dhagaweyne), Xildhibaan Faa’isa Maxamed Jeyte iyo Xildhibaan Farxiya Xasan Cali ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha Guutada Cali bin Abii Daalib ee Xoogga Dalka, Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin.

Xildhibaanada ayaa halkaasi u tegay si ay u dhiirigeliyaan ciidamada, isla-markaana ay u dardargeliyaan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyadaasi.

Xildhibaanadu waxay sheegeen in Wabxo ay amni tahay, iyagoona dadka deegaanka ee barakaca ku maqan ugu baaqay inay guryahooda dib ugu soo laabtaan.

Xubno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa door muuqdo ku leh qorshaha dagaal ee la doonayo in maleeshiyada Shabaabka lagaga saaro deegaanada Galmudug.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ee dagaalka qaybta ka ah ayaa hadda isku ballaarinaya deegaanada iyo tuulooyinka ku xeeran Magaalada Ceelbuur.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc