Home Wararka Caalamka Xuuthiyiinta oo Badda Cas ku weeraray markab dagaal

Xuuthiyiinta oo Badda Cas ku weeraray markab dagaal

by Laacib

Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ayaa gantaal ku weeraray markab dagaal oo Mareykanka uu leeyahay, xilli uu marayay marinka muhiimka ah ee Badda Cas.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in gantaal nooca maraakiibta ah lagu weeraray markabka dagaal ee USS Laboon, mar uu ku gooshaayay koonfurta Badda Cas.

Taliska ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in gantaalka laga soo tuuray dhulka ay Xuuthiyiintu maamulaan, balse ay gantaalkaasi soo riday diyaarad dagaal.

“Gantaalka waxaa laga soo riday agagaarka xeebta Hudaydah, waxaana duqaynta lagu soo riday fulisay diyaarad dagaal. Ma jiro wax khasaare ah oo la soo sheegay.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Taliska Dhexe.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa ku hanjabay inay ka aargudan doonaan weerarada militari ee xulafada Mareykanka, iyagoona wacad ku maray inay sii wadi doonaan hawlgalada militari ee Badda Cas ee ka dhanka ah maraakiibta Israel.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee ka yimaada dhanka Xuuthiyiinta, tan iyo markii isbahaysiga uu hoggaamiyo Mareykanka ay Jimcihii iyo Sabtidii duqeeyeen bartilmaameedyada Xuuthiyiinta ee dalkaasi Yemen.

Mareykanka ayaa mar sii horreysay sheegay in goobaha la duqeeyay ay ka mid yihiin bakhaarada hubka, xarumaha taliska, oo ay ku jiraan dhulka fog ee buuraha iyo goobta raadaarka Xuuthiyiinta ee Caasimadda Sanca.

Hawlgalada miliatari ee lagu beegsanayo dhulka ay ka arrimiyaan Xuuthiyiinta ayaa loo arkaa kuwo uun kaga sii daraya xiisadda ka taagan Badda Cas.

Isbahaysiga Mareykanka ayaa u muuqdo kuwo isku dayaya inay ka hortaggaan weerarada ka dhanka ah maraakiibta ay leeyihiin shirkadaha Israel iyo kuwa kale ee u socda dekedaha ay maamulaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc