Home Wararka Maanta Xuuthiyiinta oo dab saaray markab ganacsi oo Mareykanka laga leeyahay

Xuuthiyiinta oo dab saaray markab ganacsi oo Mareykanka laga leeyahay

by Laacib

Xuuthiyiinta Yemen ayaa Isniintii gantaalo ku weeraray markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Mareykanka, balse watay Calanka Giriiga.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ka dhacay marinka Bab al-Mandeb ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Shirkadda Amniga Badda ee Britain (Ambrey) ayaa sheegtay in markabka uu qaylo dhaan u dirsaday isbahaysiga uu Mareykanka hoggaamiyo ee ku sugan gobolka.

Wasaaradda Gaadiidka Badda ee Giriiga ayaa sheegtay in markabka uu burbur ka soo gaaray dhinaca daaqadda, ka dib markii lala beegsaday laba gantaal. Wasaaradda ayaana xustay inay badqabaan shaqaalihii markabka.

Markabkan oo ay leedahay Shirkadda Xamuulka Badda ee Bulk ayaa waxaa la socday 23 shaqaale.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in markabku uu galley ka soo qaaday dalkaasi Argentina, isla-markaana uu ku sii jeeday Magaalada Cadan.

Weerarada militari ee isbahaysiga Mareykanka ee ka dhanka ah Xuuthiyiinta Yemen ayaa uga sii daray xiisadda Badda Cas.

Xuuthiyiinta ayaa horaan sheegay in weeraradooda ay yihiin kuwo ay ku garab taagan yihiin shacabka Falastiiniyiinta, ayna sii wadi doonaan hawlgalada ka dhanka ah maraakiibta u socda Israel iyo kuwa kale ee ay Israeliyiintu leeyihiin, taas oo keentay in Mareykanka iyo Ingiriiska ay bishii January duqaymo ka bilaabaan dhulka ay Xuuthiyiintu maamulaan.

Xuuthiyiinta ayaa bartamihii January ku dhawaaqay in ay bartilmaameed sharci ah yihiin maraakiibta laga leeyahay Mareykanka iyo Ingiriiska, si ay uga aargutaan duqaymaha kaga imaanaya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc