Home Wararka Caalamka Xuuthiyiinta oo dhuunta u galay Mareykanka iyo Ingiriiska

Xuuthiyiinta oo dhuunta u galay Mareykanka iyo Ingiriiska

by Laacib

Inkastoo isbahaysiga uu Mareykanka hoggaamiyo ay sii wadaan duqaymaha ay ka gaysanayaan bartilmaameedyada ay Xoogaga Xuuthiyiinta ku leeyihiin dalka Yemen ayaa waxaa muuqata in Xuuthiyiinta ay sii wadaan weerarada ay ka fulinayaan Badda Cas.

Mareykanka oo isbahaysigan aasaasay bishii December ayuu ujeedkiisu ahaa in lagu hakiyo weerarada ka imaanaya dhinaca Yemen ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee ka gudbeysa Badda Cas.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in dalalka isbahaysiga ay sidoo kale ilaalinayaan isu socodka ganacsiga ee Badda Cas, haddana taasi ma joojin hawlgalada ay Xoogaga Xuuthiyiinta ka sameynayaan Badda Cas.

Xulafada ayaa lagu dhalleeceeyay inay fasiraad khaldan ka bixiyeen weerarada Xuuthiyiinta, oo bilowgii ku wajahnaa maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku sii jeeda dekedaheeda. Duqaymaha Mareykanka iyo Ingiriiska ay 12-kii bishii January ka bilaabeen dalkaasi ayaa keentay in shirkadaha maraakiibta ay is tusaan in tallaabadan ay kaga sii dareyso xaaladda, taas oo dhabaha u xaartay in qaar badan oo ka mid ah ay ka baaqsadaan isticmaalka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Xuuthiyiinta ayaa xilligaasi ku dhawaaqay in ay bartilmaameed sharci ah yihiin danaha Mareykanka iyo Ingiriiska ee gobolka, iyagoona bilaabay in ay gantaalo ku weeraraan maraakiibta laga leeyahay dalalkaasi ee ku sugan Badda Cas. Tani ayaana sii hurisay xiisaddii ka jirtay marin biyoodka mashquulka badan.

Tan iyo markii isbahaysiga Mareykanka ay weerarada militari ka bilaabeen dalka Yemen, maraakiibta adeegsaneysa marinka muhiimka ah ee ganacsiga Badda Cas ayaa hoos u dhacay boqolkiiba sagaal iyo labaatan (29%).

Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa marar badan ku celceliyay inaanay iyagu weerar ku ahayn maraakiibta ganacsiga caalamiga ah, marka laga soo taggo maraakiibta la macaamila Dekedaha Israel iyo kuwa kale ee ay Israeliyiintu leeyihiin.

Gantalaaha Xuuthiyiinta ee aan sida saxda ah loo garanayn halka ay ka soo dhacayaan, kuna sii jeeda Badda Cas ayay khubarada amniga ku sheegeen mid gobolka ka abuurtay khatar aan horey loo arag.

Guud ahaan 28 markab ayaa la beegsaday, tan iyo markii ay bilowdeen weerarada Xuutiyiinta, bishii November, kuwaa oo intooda badan laga leeyahay dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska. Keliya 7 ka mid ah ayaa loo aqoonsaday in laga leeyahay amaba ay xiriir la leeyihiin shirkadaha Israel.

Sagaalkii markab ee ugu dambeeyay ee la weeraray ayaa laga leeyahay Ingiriiska iyo Mareykanka, midkoodna lagama lahayn Israel.

Khamiistii oo ugu dambeysay Xuuthiyiinta ayaa markab ganacsi oo laga leeyahay Ingiriiska ku weeraray meel dhanka galbeed kaga beegan magaalada Badda Cas ku taala ee Hudaydah.

Warbaahinta reer galbeedka ayaa duqaymaha ka dhanka ah Xuuthiyiinta ku sheegay kuwo aan gaarsiisanayn heerkii loo baahnaa, illaa iyo inta ay ka qayb qaadanayaan dalalka gobolka, oo ay ugu horreyan Sacuudiga, Masar iyo Emirate-ka Carabta.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa ku hanjabay inaanay ka laaban doonin qorshaha ay ku go’doominayaan Dekedaha Israel, inta ay Israel xasuuqa ka gaysaneyso Gaza, dadkana ay ka hortaagan tahay gargaarka naf badbaadinta ah.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree ayaa sheegay in dhammaadka xiisadda Badda Cas ay ku xiran tahay in Israel ay soo afjarto gardaradeeda Gaza.

Shiinaha oo walaac xoogan ka muujiyay xiisadda cirka isku sii shareertay ee ka jirta Badda Cas ayaa sheegay in ay la xiriirto colaadda Gaza, loona baahan yahay in si degdeg ahi wax looga qabto duulaanka Israel ee Gaza.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Wenbin ayaa sheegay in ay tahay in hadda laga wada shaqeeyo, sidii loo soo afjari lahaa duqaymaha baahsan Israel ee ka dhanka ah shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Gaza.

Gaadiidka badda ayaa ah laf dhabarta marinada ganacsiga ee Shiinaha iyo Midowga Yurub, oo 90% ka ah ganacsigooda, iyadoo carqaladeynta marinka Badda Cas illaa kanaalka Suweys ay sidoo kale kala dhantaaleyso ganacsiga Yurub.

Weerarada Xuutiyiinta ee Badda Cas ayaa hakad ku keenay isu socodka qayb ka mid ah ganacsiga muhiim ah ee u dhaxeeya Yurub, Bariga Dhexe iyo Aasiya.

Baqdinta ugu weyn ee haatan dunida ka jirta ayaa ah in sicir barar hor leh uu soo wajaho suuqyada caalamiga ah, ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine oo cawaaqib dhaqaale laga dhaxlay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc