Home Wararka Caalamka Xuuthiyiinta oo ku foogan, sidii ay uga aargudan lahaayeen Mareykanka

Xuuthiyiinta oo ku foogan, sidii ay uga aargudan lahaayeen Mareykanka

by Laacib

Ururka Xuuthiyiinta ee ka arrimiya inta badan dalka Yemen ayaa sheegay inay si adag uga aargudan doonaan duqaymaha xulafada Mareykanka ay Jimichii iyo Sabtidii ka gaysteen dalka Yemen.

Nasruldeen Amer oo ka tirsan Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa sheegay in duqayntii ugu dambeysay ee Sabtidii ka dhacday Saldhigga Cirka ee Al-Dailami ee Magaalada Sanca aysan gaysan wax khasaare ah.

Nasruldeen Amer ayaa ku hanjabay inay jawaab adag ka bixin doonaan weerarada militari ee isbahaysiga uu Mareykanka hoggaamiyo.

“Weerarkan cusub wuxuu yeelan doonnaa jawaab adag oo xoogan oo welibana wax ku ool ah.” Ayuu yiri Nasruldeen Amer oo wareysi siiyay Telefishinka Al Jazeera.

Mohammed Abdul-Salam, Afhayeenka Garabka Wada-xaajoodka ee Xuuthiyiinta ayaa isna sheegay in weerarada ka dhanka ah Xuuthiyiinta aysan hakin doonin weerarada ay ku beegsanayaan maraakiibta Israel.

Waxa kaloo uu sheegay in weerarada militari ee xulafada Mareykanka aysan bedeli doonin go’aankooda ay Badda Cas uga mamnuuceen maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku wajahan dekedaheeda, illaa iyo inta Tel Aviv ay duulaanka ku hayso Gaza, dadka rayidka ahna ay u diidan tahay gargaarka bani’aadantinimo.

Mohammed Abdul-Salam ayaa Reuters u sheegay in ay sii wadi doonaan weerarada maraakiibta mareysa Badda Cas ee u socda dhanka Israel.

Weerarada Xuuthiyiinta ayaa si weyn u saameeyay badqabka shixnadaha ganacsiga ee Badda Cas, sidoo kalena dhaawacay ganacsiga Israel ee wax soo dejinta iyo dhoofinta ee dekedaheeda.

Washington ayaa wacad ku martay inay ilaalin doonto isu socodka marin biyoodka Badda Cas, ayna ka ilaalin doonto Xoogaga Xuuthiyiinta.

Weerarada ay qaadeen Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa xoojiyay walaaca laga qabo in colaadda ay xudunteedu tahay Gaza ay ku baahdo gobolka intiisa kale, xilli ay sii kordheyso carrada ka dhalatay weerarada naxariis darada ah ee ay Israel ka gaysaneyso dhulka go’doonsan.

Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa sheegay in hawlgalada militari ee Badda Cas ay uga gol leeyihiin in ay ku taageeraan shacabka Falastiiniyiinta ee ku dhaqan Marinka Gaza ee ku jira go’doomin adag ee Israel iyo weliba duqaymaheeda baahsan.

Xuuthiyiinta ayaa is garabtaagooda shacabka Falastiiniyiinta ku qeexay waajib diini ah iyo mid akhlaaqeed, oo cid ay uga waabanayaana aysan jirin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc