Home Wararka Caalamka Xuuthiyiinta oo sheegay inay gantaalo ku garaaceen markabka Mareykanka ee Ocean Jazz

Xuuthiyiinta oo sheegay inay gantaalo ku garaaceen markabka Mareykanka ee Ocean Jazz

by Laacib

Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa gelinkii dambe ee Isniintii sheegtay inay weerareen markab xamuul oo Militariga Mareykanka ay leeyihiin.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree ayaa sheegay in ay gantaalo ku garaaceen markabka Ocean Jazz, xilli uu marayay Gacanka Cadmeed.

Afhayeenku ma faah faahin sida saxda ah ee weerarka u dhacay iyo haddii uu khasaare gaystay.

“Ciidanka Qalabka Sida ee Yemen waxay xaqiijinayaan in aargudashada ka dhanka ah weerarada Mareykanka iyo Ingiriiska ay tahay lama huraan, gardaro kasta oo cusubna ma noqon doonto mid aan ciqaab lahayn.” Ayuu yiri Afhayeenka oo warkan ku sheegay bayaan uu soo saaray.

Dhanka kale Mareykanka ayaa beeniyay sheegashada Xuuthiyiinta ee ah in la weeraray markabkooda xamuulka.

“Warbixinta argagixisada Xuuthiyiinta ee Iran ay taageerto ee ku saabsan weerarka la sheegay in lagu guuleystay ee lagu qaaday M/V Ocean Jazz waa mid been abuur ah.” Ayaa lagu yiri war xalay ka soo baxay Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka.

Warka ayaa lagu sheegay in markabka uu si nabdoon uga gudbay goobta la sheegay in lagu weeraray.

Ka dib markii Ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska ay 12-kii bishan bilaabeen inay weeraro ka gaystaan dalka Yemen, Xuuthiyiinta ayaa ku dhawaaqay in danaha Mareykanka iyo Ingiriiska ee Bariga Dhexe ay yihiin bartilmaameed sharci ah.

Xuuthiyiinta Yemen oo mowqifkoodu uu cad yahay ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan weerarada ay Badda Cas kaga mamnuuceen maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku wajahan dekedaheeda, inta ay Israel ka joojineyso duulaankeeda ka dhanka ah dadka reer Gaza.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa isku dayaya in ay jebiyaan go’doominta ay Xuuthiyiinta geliyeen Dekedaha Israel. Ku biiritaankooda dagaalka iyadoo la difaacayana Israel waa calaamad kale oo muujineysa, sida colaadda Gaza ay ugu fideyso gobolka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc