Home Dhacdooyin Xuuthiyiinta oo si degdeg ah ku tababaray 200 oo kun oo ciidan, xilli ay xiisadda cirka isku shareertay

Xuuthiyiinta oo si degdeg ah ku tababaray 200 oo kun oo ciidan, xilli ay xiisadda cirka isku shareertay

by Laacib

Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa qortay oo tababaray in ka badan 200,000 oo dagaal-yahano cusub ah, tan iyo markii ay Xuuthiyiintu weerarada ka bilaabeen Badda Cas.

Xuuthiyiinta oo dalbanaya in si degdeg ah loo joojiyo weerarada cadowtinimada ah ee Israel ka waddo Marinka Gaza ayaa dhexda u galay maraakiibta xiriirka la leh Israel ee ku sii jeeda dekedaheeda.

Xuuthiyiinta oo taageerada ugu badan ka leh bulshada ku dhaqan Caasimadda Sanca ayaa si degdeg ah ku tababaray dagaal-yahanadii ugu badnaa, inta ay taariikhda qoreyso.

Nasr Al-Din Amer oo ka tirsan Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa sheegay in cududda ciidankooda aysan u adeegsan doonin cid aan ahayn Israel, Mareykanka iyo Ingiriiska.

Waxaa jirta baqdin laga qabo in weerarada Xuuthiyiinta ay saameeyaan heshiiska nabadda gudaha ah, inkastoo Nasr Al-Din uu sheegay inaanay iyagu weerar ku ahayn dhinacyada ay siyaasad ahaan iska soo horjeedaan ee ku sugan dalkaasi.

Waxa uu sheegay in heshiiska nabadda uu weli miiska saaran yahay, waxaana uu yiri “Fursadaha nabadda ayaa jira, dhinacayada uma jeedno inaan weerarno, weerarna kuma nihin cid aan ahayn Sahyuuniyadda (Israel), cadowga Mareykanka iyo Ingiriiska, sababtoo ah waxay nagu soo weerarayaan dalkeenna.”

Xuuthiyiinta oo ka jawaabaya duulaanka Israel ee Marinka Gaza ayaa 19-kii bishii November koonfurta Badda Cas ka qafaashay markabka Galaxy Leader iyo 25 shaqaale oo la socday. Markabkan ayaa waxaa iska leh ganacsade Israeli ah, waxaana lagu hayaa Xeebaha Yemen.

Bishii xigtay ee December ayay ku dhawaaqeen in ay beegsan doonaan maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee la macaamila Dekedaha Israel, iyada oo aan loo eegeyn dalka laga leeyahay.

Xuuthiyiinta ayaa bartamihii bishii hore ee January ballaariyay weeraradooda Badda Cas, ka dib markii Ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska ay bartilmaameedyo ka bilaabeen dhulka ay Xuuthiyiintu maamulaan.

Weerarada Xuuthiyiinta ayaa markii hore ku koobnaa maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku sii jeeda dekedaheeda, balse markii Mareykanka iyo Ingiriiska ay duqaymo wadajir ah ka bilaabeen dalka Yemen ayay ku dhawaaqeen bartilmaameed sharci ah, oo ka dhan ah maraakiibta ganacsiga iyo dagaalka ee dalalkaasi.

Xuuthiyiinta ayaa sheegay in weeraradooda ay yihiin kuwo ay ku garab taagan yihiin Falastiiniyiinta, isla-markaana ay uga horjeedaan duulaanka Israel.

Hawlgalada Xuuthiyiinta ee Badda Cas & Gacanka Cadmeed iyo duqaymaha ay kaga jawaabayaan xulafada Mareykanka ayaa qalqal weyn ku abuuray maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee isaga kala gudbeysa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ee adeegsanaya marin biyoodka Bab al-Mandeb.

Badda Cas ayaa waxaa ka gudba qiyaastii boqolkiiba laba iyo toban (12%) ganacsiga badaha caalamka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc