Home Dhacdooyin Xuuthiyiinta oo weeraradooda maraakiibta ku ballaariyay Badweynta Hindiya

Xuuthiyiinta oo weeraradooda maraakiibta ku ballaariyay Badweynta Hindiya

by Laacib

Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegay inay weerar ku qaadeen maraakiib laga leeyahay Israel iyo Mareykanka oo mareysay Badweynta Hindiya.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree ayaa sheegay in xoogagooda ay beegsadeen saddex markab, iyagoo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada lidka maraakiibta.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in markii ugu horreysay ay noqoneyso in maraakiibta cadowga ay ku bartilmaameedsadaan sida uu yiri Badweynta Hindiya, ka dib weeraradii ay in muddo ahba ka wadeen Badda Cas iyo Gacanta Cadmeed.

“Ciidamada Badda Yemen waxay hadda ka dib weerari doonaan markab kasta oo xiriir la leh Israel ama kuwa u socda dekedaha xoogga looga haysto walaalahayaga Falastiin ee ku gooshaya Badweynta Hindiya, iyagoo sii maraya Cape of Good Hope.” Ayuu yiri Afhayeenku

Yahya Saree, Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta ma sheegin waxyeelada ay u gaysteen maraakiibta ay markii ugu horreysay ku weerareen Badweynta Hindiya.

Sheegashada Xuuthiyiinta ee weerarka Indian Ocean ayaa ku soo aadaysa saacado uun ka dib, markii Jimcihi markab kale oo ganacsi oo lagu magacaabo Pacific 01 ay ku weerareen Badda Cas.

Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO) ayaa sheegtay in markabka uu wa xoogaa burbur ka soo gaaray weerarka, balse ay badqabaan shaqaalihii la socday.

UKMTO iyo Shirkadda Amniga Badda ee Britain (Ambrey) ayaa xaqiijiyay in markabka uu sii watay safarkiisa.

Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa wacad ku maray inay sii wadi doonaan weerarada maraakiibta ganacsiga ee laga leeyahay Israel, Ingiriiska iyo Mareykanka, inta ay Israel xasuuqa ka waddo Marinka Gaza.

Xuuthiyiinta ayaa lagu tilmaamaa garabka ugu tunka weyn garabyada militari ee gobolka ka jira, ee ka biyo diidan duulaanka Israel ee Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc