Home Wararka Caalamka Xuuthiyiinta Yemen oo farriin u diray xulafada Mareykanka

Xuuthiyiinta Yemen oo farriin u diray xulafada Mareykanka

by Laacib

Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay dulqaadkeeda leeyihiin duqaymaha kaga imaanaya isbahaysiga uu Mareykanka hoggaamiyo ee isku dayaya in ay joojiyaan weerarada ay Xuuthiyiinta ka gaysanayaan Badda Cas.

Xuuthiyiinta ayuu hadafkoodu yahay in ay Israel ku khasbaan inay joojiso duqaymaha ay ku hayso dadka reer Gaza, cid kasta oo Israel la soo safatana ay bartilmaameedsadaan.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree ayaa sheegay in duqaymaha kaga imaanaya dalalka xulafada aysan ka joojin doonin inay sii wadaan dadaalada ay ku go’doominayaan Dekedaha Israel.

“Weeraradan kama jawaabi doonaan inaan soo afjarno go’doomintayada ee ka dhanka ah dekedaha xoogga looga haysto Falastiin.” Ayuu yiri Afhayeenka.

“Kama niyad jabi doono inaan taageerno walaalahayaga Falastiin, cid kasta oo nagu soo gardarootana waa la ciqaabi doonnaa.” Ayuu sii raaciyay Afhayeenku.

Yahya Saree ayaa wacad ku maray in jawaabtoodu ay noqon doonto mid adag, mar kasta oo Mareykanka iyo xulafadiisa ay duqaymo ka gaystaan dalka Yemen.

Dhanka kale Mohammed Abdul-Salam, Afhayeenka Garabka Wada-xaajoodka ee Xuuthiyiinta ayaa isna ka digay weerarada Mareykanka iyo Ingiriiska, ha ahaadeen buu yiri Yemen, Ciraaq ama Suuriya.

“Tani waxay sii jiidi doontaa jahwareerka ka jira gobolka, waxayna sii hurin doontaa dabka naceybka dadkayaga.” Ayuu yiri Mohammed Abdul-Salam.

Waxa kaloo uu yiri “Go’aanka Yemen ee lagu taageerayo Gaza waa mid adag, mabda’ leh, mana saameyn doono weerar kasta.”

Mohammed Abdul-Salam ayaa intaasi ku daray “Intii ay gobolka ka furi lahaayeen furin cusub, Mareykanka iyo Ingiriiska waa in ay dhageystaan rabitaanka dadweynaha caalamka ee dalbanaya in si degdeg ah loo joojiyo gardarada Israel ee Gaza, qaadista go’doominta saaran iyo in la soo afjaro xoogga ay Israel ku haysato dhulka Falastiin.”

Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa bishii January bilaabay inay weeraraan maraakiibta ganacsiga iyo kuwa militariga ee Mareykanka iyo Ingiriiska ee ku sugan Badda Cas, ka dib markii ay duqaymo ka bilaabeen dalka Yemen.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa isku dayaya in ay soo afjaraan weerarada ay Xuuthiyiinta ku go’doominayaan Dekedaha Israel.

Shirkadaha maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee aan adeegsanaynin Badda Cas ayaa la sheegay in tiradooda ay aad u korortay, markii hawlgalada militariga ee isbahaysiga Mareykanka ay u arkayn kuwo kaga sii daraya xiisadda Badda Cas.

Tani ayaa keentay in dunida laga dareemo in caqabad dhaqaale ay ku soo fool leedahay suuqyada caalamiga ah, ka gadaal markii ay si weyn hoos ugu dhaceen maraakiibta ka gudbeysa Badda Cas.

Badda Cas ayaa waxaa ka gudba qiyaastii boqolkiiba laba iyo toban (12%) ganacsiga badaha caalamka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc