Home Wararka Caalamka Xuuthiyiinta Yemen oo gantaal la helay markab ganacsi

Xuuthiyiinta Yemen oo gantaal la helay markab ganacsi

by Laacib

Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii weeraray markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Mareykanka, xilli uu marayay Gacanka Cadmeed.

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa lagu weeraray markabkan oo ahaa nooca xamuulka, iyadoona uu burbur ka soo gaaray weerarkaasi.

Ururka Xuuthiyiinta ayaa sheegtay inay si toos ah u beegsadeen markabka Mareykanka ee Genco Picardy.

Shirkadda Genco oo iska leh markabkaasi ayaa sheegtay in markabka uu haleelay gantaal, xilli uu marayay Gacanka Cadmeed. Shirkadda ayaa sheegtay in markabkeeda uu siday shixnad dhagaxa Phosphate-ka ah.

Genco ayaa qirtay in markabkeeda uu burbur aan badnayn ka soo gaaray weerarka, waxay kaloo sheegtay in dhammaan shaqaalihii la socday markabka ay badqabaan.

Sarkaal ka tirsan Xuuthiyiinta ayaa Wakaaladda Wararka Reuters u sheegay in weerarada lagu hayo maraakiibta ku wajahan Israel ay sii socon doonaan.

Xuuthiyiinta ayaa Israel ku cadaadinaya in ay soo afjarto duulaankeeda Gaza, ee ay dadka faraha badan ku dhimanayaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc