Home Dhacdooyin Xuuthiyiinta Yemen oo gubay markab ganacsi oo laga leeyahay Israel

Xuuthiyiinta Yemen oo gubay markab ganacsi oo laga leeyahay Israel

by Laacib

Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ayaa Gacanka Cadmeed ku weeraray markab ganacsi oo laga leeyahay Israel, balse watay Calanka Liberia.

Markabkan ayaa la bartilmaameedsaday xalay, xilli uu doonayay in si qarsoodi ah uu uga gudbo Gacanka Cadmeed, sida uu sheegay Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree.

Afhayeenka ayaa shir jaraa’id ku sheegay in Ciidanka Badda Yemen ay tiro gantaalo ah ku weerareen markabkaasi, isla-markaana ay u suurtagashay in ay gubaan.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa maanta sheegay in mid ka mid ah laba gantaal oo nooca ballaastikada ah oo weerarka loo adeegsaday uu haleelay markabka MSC SKY II.

Taliska Dhexe ayaa warsaxaafaeed ku sheegay in uu jiro burbur soo gaaray markabkaasi, balse aysan jirin wax khasaare ah oo weerarka ka soo gaaray shaqaalihii la socday.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in markabka uusan codsi ah u soo dirsan isbahaysiga uu Mareykanka hoggaamiyo ee ku sugan gobolka, isla-markaana uu horey u sii watay socodkiisa.

Shirkadda Amniga Badda ee Britain (Ambrey) ayaa sheegtay in gantaalka ku dhacay markabka uu waxyeelo u gaystay qaybta la seexdo iyo weliba kunteenarada qaarkood. Ambrey ayaana xustay in dab uu ka kacay markabkaasi.

“Qaraxa ayaa dhaliyay dab ka kacay markabka, waxaana socday dadaalo dab demis ah oo ay sameeyeen shaqaalihii markabka.” Ayay ku warantay Ambrey.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa sheegtay in markabka laga leeyahay dalka Switzerland, balse Afhayeenka Xuuthiyiinta ayaa sheegay in ay fahmeen markabka oo la doonayay in xogtiisa la qariyo, halka dal ahaan laga leeyahay, maadaama aysan bartilmaameed ahayn maraakiibta kale ee caalamiga ah, marka laga soo taggo kuwooda laga leeyahay Israel, Mareykanka iyo Ingiriiska.

Yahya Saree ayaa ku hanjabay in ay sii wadi doonaan weerarada ay ku hayaan maraakiibta Mareykanka, Ingiriiska iyo Israel, inta ay Israel ku howlan tahay weeraradeeda naxariis darrada ah ee Gaza iyo gargaarka bani’aadantinimo ay hortaagan tahay.

Weerarada Xuuthiyiinta Yemen ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa sii kordhaya, xilli xulafada Mareykanka ay dhegaha ka fureysanayaan dalabaadkooda ah in la joojiyo duulaanka Israel ee Gaza iyo xasuuqa ay ku heyso dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc