Home Wararka Caalamka Xuuthiyiinta Yemen oo ku hanjabay inay sii wadi doonaan weerarada maraakiibta ee Israel

Xuuthiyiinta Yemen oo ku hanjabay inay sii wadi doonaan weerarada maraakiibta ee Israel

by Laacib

Xuuthiyiinta Yemen ayaa ku hanjabay in ay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga ee ku wajahan Dekedaha Israel iyo kuwa kale ee ka soo ambabaxa.

Mohammed Abdul-Salam oo ka tirsan Saraakiisha Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegay in ururku uusan mowqifkiisa u bedeli doonin isbahaysiga uu Mareykanka sameeyay.

Mohammed Abdul-Salam ayaa sheegay inaanay iyagu weerar ku ahayn maraakiibta kale ee isticmaasha Badda Cas, marka laga reebo kuwa la macaamila sida uu yiri Dekedaha Israel.

Weerarada Xuuthiyiinta ee Badda Cas ayaa carqalad ku noqday shixnadaha la geeyo Israel, ka dib markii ay 9-kii bishan ku dhawaaqeen inay go’doominayaan Dekedaha Israel, sababo ku aaddan weerarada Israel ay ka waddo Marinka Gaza.

Mohammed Al-Bukhaiti oo isna ka mid ah Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa sheegay inaysan waxba ka gelin isbahaysigan uu Mareykanku abuuray, isla-markaana ay sii wadi doonaan hawlgaladooda militari ee Badda Cas.

“Xitaa haddii Mareykanku uu ku guuleysto abaabulka adduunka oo dhan, hawlgaladayada militari ma joogsan doonaan, si kasta oo aan u hureyno nafteenna.” Ayuu yiri Mohammed Al-Bukhaiti.

Mohammed Al-Bukhaiti ayaa sheegaya in weerarada ay joojin doonaan, kolka Israel ay ogolaato in Gaza la gaarsiiyo cuntada, dawooyinka iyo shidaalka aadka loogu baahan yahay.

“Haddii dembiyada Israel ee Gaza ay joojiyaan oo cuntada, dawooyinka iyo shidaalka loo ogolaado inay gaaraan dadka Gaza ee la go’doomiyay, annaguna waan joojin doonnaa weerarada.” Ayuu yiri Al-Bukhaiti.

Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa maalmihii la soo dhaafay maraakiib fara-badan ku weeraray marinka Bab al-Mandeb ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyagoo adeegsanaya gantaalaha balaastikada iyo drones-ka is qarxiya.

Weeraradan ayaa si weyn u saameeyay badqabka shixnadaha ganacsiga ee Badda Cas, sidoo kalena dhaawacay ganacsiga badda ee Israel ee wax soo dejinta iyo dhoofinta.

Xuuthiyiinta ayaa sare u qaadidda xiisadda badda ka leh qorshe ay ku cadaadinayaan Israel, si ay joojiso duulaankeeda Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc