Home Wararka Caalamka Xuuthiyiinta Yemen oo sheegay in Mareykanka iyo Ingiriiska ay ku soo khaldameen Yemen

Xuuthiyiinta Yemen oo sheegay in Mareykanka iyo Ingiriiska ay ku soo khaldameen Yemen

by Laacib

Ururka Xuuthiyiinta ee ka arrimiya inta badan dalka Yemen ayaa sheegay in Mareykanka iyo Ingiriiska ay sameeyeen khalad nacasnimo ah, kaas oo sida ay sheegeen ay ka shalaayi doonaan.

Madaxa Golaha Sare ee Siyaasadda Xuuthiyiinta, Mahdi Al-Mashat ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dhammaan danaha Mareykanka iyo Ingiriiska ee gobolka ay noqon doonaan kuwo bartilmaameed sharci ah.

“Bartilmaameedyadan sharciga ah waa kuwo loogu talagalay in Ciidamada Yemen ay ka jawaabaan gardarada tooska ah iyo duulaanka ka dhanka ah Jamhuuriyadda Yemen.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Sida bayaanka lagu sheegay xulafada Mareykanka ayaa ku kacay khalad nacasnimo ah, isla-markaana ay tahay in cadowgu uu fisho sida bayaanka lagu sheegay weeraro looga aargudanayo.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Xoogaga Xuuthiyiinta ay sii wadi doonaan hawlgalada Badda Cas ee ka dhanka ah maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee la macaamila dekedaheeda.

“Inta uu socdo gardarada Maamulka Sahyuuniyadda ee Gaza, ma bedeli doono mowqifkeena aan ku go’doominayno dekedaha xoogga looga haysto Falastiin.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Mohammed Abdul-Salam, Afhayeenka Garabka Wada-xaajoodka ee Xuuthiyiinta ayaa wax khalad ah ku tilmaamay in xulafada Mareykanka ay moodaan in weerarkooda Yemen uu joojinayo is garabtaagooda shacabka Falastiiniyiinta ee lagu leynayo Marinka Gaza.

“Way ku khaldanaayeen, haddii ay u maleynayaan inay Yemen ka celinayaan taageeradeeda shacabka Falastiiniyiinta ee Gaza.” Ayuu yiri Mohammed Abdul-Salam oo intaasi ku daray “Maraakiibta cadowga kama gudbi doonaan Badda Cas, inta Gaza dadkeeda la leynayo.”

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree ayaa sheegay in Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ay qaadi doonaan masuuliyadda, wixii cawaaqib ah ee ka dhasha duqaymaha xoogan ee ay ka gaysteen dalkaasi Yemen.

“Cadowga Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa qaadaya masuuliyadda gardarada ka dhanka ah dadkeenna, mana noqon doono mid jawaab la’aan iyo ciqaab la’aan ah.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Dhanka kale Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka, Patrick Ryder ayaa sheegaya in Militariga Mareykanka ay si dhow ula socdaan xaaladda taagan, illaa iyo haddana aysan arag wax weeraro aargoosi ah oo kaga imaanaya dhinaca Xuuthiyiinta.

“Hadafkeena halkan waa in aan hubino in marin biyoodkan muhiimka ah ee Badda Cas uu yahay mid ammaan ah, oo si nabdoon ay ku maraan maraakiibta caalamiga ah iyo badmaaxiinta.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Xuuthiyiinta ayaa sheegay in shan qof ay ku dhinteen, lix kalena ay ku dhaawacmeen duqaymaha culus ee Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ingiriiska ay aroornimadii Jimcihii ka gaysteen dalkaasi.

Telefishinka afka Xuuthiyiinta ku hadla ee Al Masirah ayaa sheegay in duqaymahan lagu bartilmaameedsaday Saldhigga Cirka ee Al-Dailami ee waqooyiga Caasimadda Sanca, Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hudaydah, oo ah xero bari ka xigta Magaalada Sacda (Saada), Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Taiz iyo garoon kale oo diyaaradeed oo u dhow Magaalada Hajjah.

Tallaabada militari ee xulafada Mareykanka ayaa jawaab u ahayd weerarada sii kordhaya, ee ay Xuuthiyiinta Yemen ka gaysanayaan Badda Cas, sida uu sheegay Madaxweyne Joe Biden.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc