Home Wararka Maanta Yuusuf Dabageed oo iclaamiyay dagaal ka dhan ah Al Shabaab

Yuusuf Dabageed oo iclaamiyay dagaal ka dhan ah Al Shabaab

by Laacib

Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan uga dhawaaqay kacdoon dadweyne oo ka dhan ah Al Shabaab.

Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Sabtidii deegaankaasi u tegay abaabulka dadka deegaanka, si ay gacan uga gaystaan dagaalka dib-u-xoreynta dalka.

Wafdiga Madaxweyne Kuxigeenka oo si diiran loogu soo dhaweeyay deegaankaasi ayaa soo dhaweynta ka dib dadka deegaanka kula hadlay barxadda Moqokori, halkaas oo uu kaga dhawaaqay kacdoonka cusub ee ka dhanka ah Al Shabaab.

Waxa uu dadka deegaanka ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan dagaal uu sheegay in deegaanada Hirshabelle looga saarayo haraadiga maleeshiyada Al Shabaab.

Yuusuf Dabageed ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinayay xubno uu ka mid yahay Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Sanbaloolshe oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa reer Moqokori kula dardaarmay inay kaalin weyn ka qaataan qorshaha socda ee lagu xoreynayo daanta galbeed ee labada gobol ee Hirshabelle.

Sanbaloolshe oo sheegay in dadka reer Moqokori abaal lagu leeyahay ayaa sheegay inay doonayaan in loo aargudo Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure), oo ahaa Taliye Kuxigeenkii Ciidanka Kumaandooska Danab, kaas oo 20-kii bishii January ku geeriyooday weerar qaraxyo bilowday oo maleeshiyada Shabaabka ka gaysteen Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

“Gabadheenna guur ma gasho, annagoo Xasan Tuure u soo aargudin, warna looguma aarayee, waran ayaa loogu aarayaa. Reer Moqokori abaalaa lagu leeyahay ee gala dagaalka Shabaabka.” Ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe.

Moqokori waxay ka mid tahay deegaanada wejigii hore ee hawlgalka laga saaray Shabaabka.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa 25-kii bishii September ee sanadkii hore la wareegay deegaankaasi, ka dib muddo dheer oo ay Shabaabku ka arriminayeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc