Home Wararka Maanta Yuusuf Dagabeed oo ku howlan guluf ka dhan ah Shabaab (SAWIRRO)

Yuusuf Dagabeed oo ku howlan guluf ka dhan ah Shabaab (SAWIRRO)

by Laacib

Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle ayaa dhankiisa wada abaabulka guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle oo tan iyo Sabtidii ku sugan deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan ayaa halkaasi ku abaabulaya xoogaga deegaanka.

Xoogagan ayaa la doonaya in ay gacan ka gaystaan qorshaha socda ee ujeedkiisu yahay in Shabaabka lagaga saaro dhulka ay kaga sugan yihiin daanta galbeed ee gobolkaasi.

Madaxweyne Kuxigeenka oo maanta la kulmay Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Moqokori, odayaasha iyo waxgaradka deegaanka ayaa kala hadlay, sidii loo dardargelin lahaa hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyadaasi.

“Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga, baaahiyaha horumarineed ee ka jira deegaanka, mashaariicda la filayo iyo sidii loo xoojin lahaa dardargelinta la dagaalanka kooxda Khawaarijta ah ee Al Shabaab.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Madaxtooyada Hirshabelle.

Yuusuf Dabageed ayaa dhinacyadaasi u sheegay in la joogo xilligii la soo afjari lahaa maleeshiyada Shabaabka, oo uu ku eedeeyay inay dhibaato ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Dabageed waxaa kulanka ku wehlinayay Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/sare Faarax Cali Waasuge (Faarax Kooshin), Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka iyo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xasan Afrax.

Deegaanada Hirshabelle ayaa looga diyaargaroobaya hawlgal lagu xoreynayo dhulka maqan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc