25 dal oo ay ku jiraan Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa cambaareeyay weerarada sii kordhaya ee ay Ciidamada Israel ka wadaan Marinka Gaza oo dhan.
Dalalkan ayaa waxay sheegeen in ay ka naxeen weerarada naxdinta leh ee lagu dilay boqolaal ka mid ah dadka reer Gaza, oo isku dayayay inay cunto ka helaan xarumaha gargaarka ee Israel korka ka maamusho ee ku yaala gudaha Gaza.
Ku dhawaad kun qof oo shacab ah ayaa lagu dilay xarumaha ay gacanta ku hayso Hay’adda Gaza Humanitarian Foundation (GHF) oo Israel ay sameysay, Mareykankuna uu taageeray, tan iyo markii ay ka shaqo bilowday Marinka Gaza, 27-kii bishii May.
25-kan dal ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ku sheegay in xaaladda dadka reer Gaza ay mareyso meeshii ugu hooseysay, iyagoona Israel ka dalbaday in ay gebi ahaanba joojiso ololaheeda militari ee Gaza.
Bayaankan oo ay daabacday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska ayaa lagu sheegay in iyaga iyo dalalka kale ee ku saxiixan ay farriintoodu tahay in si degdeg ah loo soo afjaro dagaalka Gaza, maadaama ay dadka rayidka ah yihiin kuwa qiimaha ugu badan ku bixinaya.
“Annaga iyo saxiixayaasha hoos ku xusan waxaan isugu nimid farriin fudud oo degdeg ah, dagaalka Gaza waa in hadda la soo afjaraa. Dhibaatada lagu hayo dadka rayidka ah ee Gaza ayaa gaartay meel qoto dheer.” Ayaa lagu yiri bayaanka.
Bayaanka ayaa lagu yiri “Habka gargaar gaarsiinta Dowladda Israel waa khatar. Waxay sii hurineysaa xasillooni darro, waxayna dadka Gaza ka qaadeysaa sharafta bani’aadamka.
Waxaan cambaareynaynaa quudinta dhibicda ee gargaarka iyo dilka bani’aadantinimada ka baxsan ee lagu hayo dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan carruurta, kuwaas oo doonaya in ay daboolaan baahiyahooda aasaasiga ah ee biyaha iyo cuntada. Waa wax laga naxo in in ka badan 800 oo Falastiiniyiin ah la dilay iyagoo gargaar raadsanaya.”
Dowladahan ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay diidmada Israel ee gargaarka bani’aadantinimo ee muhiimka u ah dadka rayidka ah, waxayna ku adkeeyeen in ay u hoggaansanto waajibaadka ka saaran inay xaqdhowrto sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada, iyagoo dhanka kalena Xamaas ugu baaqay in ay sii deyso maxaabiista Israel ee lagu soo qafaashay weerarkii October 7-deedii ee sanadkii 2023.
Waxay sheegeen in wada hadalada xabad joojinta Gaza iyo heshiska maxaabiis is dhaafsiga ee labada dhinac ay yihiin rajada ugu wanaagsan, ee ah in maxaabiista ay ku soo laabtaan guryahooda iyaga oo nool.
Sidoo kale waxay Israel ugu yeereen inay si degdeg ah u qaaddo xayiraadaha ay ku hayso qulqulka gargaarka ee Gaza iyo inay si degdeg ah awood ugu siiso Qaramada Midoobey iyo hay’adaha kale ee bani’aadantinimada inay si badbaado leh oo waxtar leh u gutaan shaqadooda naf badbaadinta.
“Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay ilaaliyaan rayidka, oo ay ilaaliyaan waajibaadka sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.” Ayaa lagu yiri bayaanka wadajirka ah ay soo saareen dalal u badan xulafada Israel ee reer Yurub.
Bayaankan ayaa waxaa ku saxiixnaa Wasiirada Arrimaha Dibadda Australia, Austria, Belgium, Canada, Denmark, Estonia, Finland, France, Iceland, Ireland, Italy, Japan, Latvia, Lithuania, Luxembourg, Netherlands, New Zealand, Norway, Poland, Portugal, Slovenia, Spain, Sweden, Switzerland iyo UK, oo lagu daray Wakiilka Midowga Yurub ee Sinnaanta, U Diyaargarowga iyo Maareynta Dhibaatooyinka, Hadja Lahbib.
Baaqa degdegga ah ee dalalkan ayaa imanaya, iyadoo Qaramada Midoobey ay sheegtay in tiro dad ah ay gaajo ugu dhinteen Marinka Gaza, 24-kii saac ee ugu dambeysay iyo Israel oo maanta olole cusub oo militari ka bilowday deegaanka Deir Al-Balah ee bartamaha Marinka Gaza.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 29 qof oo Falastiiniyiin ah ay gaajo u dhinteen gudaha Gaza, 24-kii saac ee la soo dhaafay.
In ka badan 59 kun oo qof, una badan haween iyo carruur ayaa ku dhintay weerarada Israel ee Gaza, tan iyo markii uu dagaalku bilowday 21 bilood ka hor.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa saakay sheegtay in wadarta guud tirada dadka ku dhintay weerarada Israel ay gaartay 59,029 qof iyo dhaawaca 142,135 kale. Tirooynkan qayb kama ahan dadka ku dhintay iyo kuwa kale ee ku dhaawacmay weeraradii ugu dambeeyay ee ay Israel Isniintan ka gaysatay qaybaha Gaza.