Senator Chris Van Hollen oo ka tirsan Aqalka Senate-ka ee Mareykanka ayaa sheegay in aan la aqbali karin sii socoshada masiibada bani’aadantinimo ee ka jirta Marinka Gaza.
Senator Chris Van Hollen ayaa Madaxweyne Donald Trump iyo Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ku eedeeyay in ay ka masuul yihiin dhibaatada bani’aadantinimo ee Gaza, ka dib markii hay’adihii gargaarka ee ka shaqaynayay Gaza ay ku bedeleen sida uu yiri calooshaad u shaqeysteyaal, taasoo keentay dhimasho aan horey loo arag.
Israel oo taageero kaga haysata Mareykanka ayaa 4-tii bishii May aasaastay Hay’adda Gaza Humanitarian Foundation (GHF), iyadoona 27-kii May ku wareejisay howlihii gargaar keenista iyo qaybinta ee ay hay’adaha bani’aadantinimada ka wadeen Marinka Gaza. Hay’addan ayaa waxaa maamula qandaraasleyaal iyo shirkado dhanka amniga oo Mareykan ah. Hay’addan oo hadda muddo laba bilood ah ka shaqeynayso gudaha Gaza ayaa waxaa xarumaheeda lagu dilay illaa kun qof oo Falastiiniyiin ah oo gargaar u soo doontay xarumaha ay gacanta ku hayso, iyadoona Ciidamada Israel ay dusha ka ilaaliyaan xarumaha ay gargaar qaybinta ka waddo. Hay’adda ayaa waxay sidoo kale shaqaaleysiisay ilaalo gaar ah oo ka tirsan Militariga Mareykanka, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay qayb ka yihiin dilka ay Ciidamada Israel u gaysanayaan dadka sida ula kaca ah loo gaajeysiisay ee gargaarka u soo raadsada xarumaheeda, waxayna hay’adaha bani’aadantinimada ay gargaarka ay GHF bixiso ku sheegeen, sida dhibic bad ku dhacday oo kale, iyaga oo uga la jeeda in gargaar yar ay keento gudaha Gaza, tiiyoo haddana aan si badbaado leh lagu siinin dadka rayidka ah.
“Maalin walba ayaa waxaa ka sii daraya dhacdooyinka argagaxa leh ee ka dhacaya Gaza, waxayna gaareen meel fog oo aan la qiyaasi karin.” Ayuu yiri Chris Van Hollen.
Chris Van Hollen ayaa sheegay in boqolaal qof oo Falastiiniyiin ah ay ku baxeen gacanta Ciidamada Israel, xilli ay isku dayayeen in ay gargaar ka helaan hay’adda uu Mareykanku taageero.
“Tani ma sii socon karto.” Ayuu yiri Chris Van Hollen oo ka mid ah Xubnaha Xisbiga Dimoqraadiga ku metela Congress-ka (Labada Aqal ee Mareykanka).
Hay’addan ayaan helin taageero caalami ah, marka laga soo tago Mareykanka oo ah dalka keliya ee dhaqaalaha ku bixiya howlaheeda gargaar qaybinta ee Gaza.
Caalamka ayaa ka horyimid hay’addan, waxaana uu ku sheegay in ay tahay mid aan sharci ahayn, iyadoo Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee caalamiga ah ee ku shaqeeya mabaadi’da bani’aadantinimada ay iska diideen in ay la shaqeeyaan.
Ciidamada Israel ayaa si maalinle ah dadka rayidka ah ee gaajeysiin ugu dila xarumaha ay dusha ka ilaaliyaan ee ay GHF leedahay, waxayna maanta oo ugu dambeysay ay Gaza ku dileen 14 qof oo gargaar u soo doontay xarumahaasi.
Is hortaagga ay Israel ku hayso qulqulka gargaarka Gaza ayaa Falastiiniyiinta reer Gaza ku jiidday masiibo bani’aadantinimo oo aan horey loo arag. Raashiinka, biyaha, shidaalka iyo sahayda dawada ayaa Gaza ka noqday, waxa ay dadku ugu baahida badan yihiin.
Gargaarka bani’aadantinimo ayaa ahaa isha ugu weyn ee ay ku tiirsan yihiin Falastiiniyiinta ku nool Marinka Gaza, tan iyo markii Ciidamada Israel ay sanadkii 2005 isaga baxeen Gaza, balse ay Israel Gaza go’doomisay sanadkii 2007, ka dib doorashadii Gaza ee ay Xamaas ku guuleysatay in ay maamusho Marinka Gaza.
Israel ayaa sanadkaasi Gaza ka go’doomisay dhulka, badda iyo hawada, inkastoo dadka reer Gaza ay u furneyd xuduudda Masar, taasna ay meesha ka saartay bishii May ee sanadkii 2024, markaas oo Israel ay Marinka Gaza ka soo xirtay dhinaca Masar, ka dib markii ciidamadeeda ay la wareegeen deegaanka Rafah ee cirifka koonfureed ee Marinka Gaza, kuna yaala waddada aadda dhanka Masar.