Maleeshiyada Al Shabaab ayaa maanta waxay weerar ballaaran ku qaadeen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, iyadoo saacado ka dibna ay u suurtagashay in ay si buuxda gacan ku haynteeda ula wareegaan.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadu ay dhowr jiho ka weerartay degmadaasi, isla-markaana ay iska caabin xoog badan kala kulmeen Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Hay’adda NISA iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ee Macawiisley.
Malaeeshiyada ayaa culeys weyn degmada ka soo saartay dhinaca deegaanka Ceelgorof oo ka mid ah deegaanada hoostaga Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud. Maxaas ayaa ku taala xadka uu Gobolka Hiiraan ee Hirshabelle la wadaago Gobolka Galgaduud ee Galmudug.
Ciidamada ayaa filayay in culeyska ugu weyn uu kaga iman doono dhinaca Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo Shabaabku ay qabsadeen wax ka yar saddex toddobaad ka hor, ujeedkooduna uu ahaa in ay uga soo tallaabaan Maxaas, si ay u helaan waddo ay maleeshiyadooda isugu gooshi karaan Dowlad Goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug. Inkasta oo jihada Moqokori ay ka mid tahay meelaha laga soo hujuumay Degmada Maxaas, haddana waxaa la sheegay in weerarka xoogiisu uu kaga imanayay dhanka Ceelgorof, isla-markaanaa ay gurmadka Shabaabku ka imanayeen deegaanada Dac iyo Wabxo oo ku dhow Ceelgorof.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in dhowr jeer dagaal-yahanada Al Shabaab lagu jebiyay isku dayadii ay ku doonayeen in ay kula wareegaan Maxaas, waxayna ahaayeen kuwo mar kasta oo dib la isaga caabiyo, haddana ku soo rogaalcelinayay duleedka degmada, iyagoo iska soo hormarinaya gaadiid ay ku raran yihiin walxaha qarxa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaal la isku soo noqnoqday ka dib ay Shabaabku u suurtagashay in ay si buuxda gacanta ugu dhigaan degmadan istiraatiijiga ah.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamada ay soo food-saartay rasaas yari, taasina ay noqotay caqabadda koowaad ee ka hor istaagtay in ay degmada sii difaacaan.
Maxaas ayaa waxay noqoneysaa magaaladii labaad oo ka tirsan Gobolka Hiiraan oo Shabaabku ay gacanta ku dhigaan muddo labaatan maalmood gudahood ah. Shabaabka ayaa 7-dii bishan sidaan oo kale dagaal culus ugu la wareegay Degmada Moqokori, oo dhacda xadka Gobolka Hiiraan uu la leeyahay Gobolka Shabellaha Dhexe.
Dadka qaar ayaa ku andacoonaya in tallaabada ay Al Shabaab kula wareegtay Maxaas ay ku niyad jebineyso beesha degta bariga Gobolka Hiiraan, oo ah beesha keliya ee taariikhda ku suntan in dhowr sano oo xiriir ah ay la dagaalameysay maleeshiyadaasi.
Xildhibaan Maalik Ibraahim Cabdalla oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doorto gobolkaasi ayaa sheegay in la wareegitaanka Al Shabaab ee Maxaas aysan ka dhigneyn in dadka deegaanka ay isu dhiibayaan maleeshiyadaasi.
“Muhiimadda waxaa waaye dhulkaas in uu yahay dhul aan annaga leenahay oo dadka deegaanka ayaa iska leh. Shabaab waa cadow ku soo duulay dalkan iyo deegaanadan, annagana waxaan kalsooni ku qabnaa dhulkeenna inaan gacanta ku dhigi doono, Insha’Allah.” Ayuu yiri Xildhibaan Maalik Ibraahim.
Waxa uu sheegay in ciidamadu ay dib ugu laaban doonaan Degmada Maxaas, iyagoo welibana wax ka bartay asbaabihii keenay in laga qabsado degmadaasi.
“Shabaab qaabka loola dagaalamayo iyo farsamooyinkooda oo dhan waa la bartay, laakiin mararka qaarkood marka dagaal la galo waxaa imanayo cilado, ciladahaas ay tahay in wax laga barto. Marka annaga waxaan aaminsanahay in dhulkaas ugu dambayn gacanteenna uu ku soo noqonayo.” Ayuu yiri Mudanaha Golaha Shacabka ka tirsan.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay garab istaag u muujisay dadka reer Hiiraan, balse sida uu sheegay ay taageeradeeda kordhin kartay, si dadka deegaanku ay u hakiyaan duulaanka iyo is ballaarinta ee kooxaha argagixisada.
Maxaas ayaa waxaa ku sugnaa xoogag Macawiisley ah oo aan wax hub ah haysan, kuwaas oo codsaday in la hubeeyo, laakiin taakulada ay Dowladda Federaalka horey ugu dirtay gobolka oo xadidneyd aysan xitaa kaafin baahida qaybihii kale ee ciidamada. Macawiisleydan kama mid ahan Ciidanka Difaaca Shacabka ee ay diiwaangelisay Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), balse waa kuwo miyiga gobolka uga yimid, si ay u xoojiyaan halganka beesha bariga ee ka dhanka ah Al Shabaab.
Shabaabka ayaa waxaa muuqato in ay ku soo talagaleen, sdiii ay ula wareegi lahaayeen degmadaasi, oo soo afjareysay is hortaagii lagu hayay isu socodkooda Gobolada Shabellaha Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, iyadoona Maxaas ay ahayd meeshii ugu dambeysay ee xiriirin lahayd Shabaabka Hirshabelle iyo Galmudug. Wejigii koowaad ee hawlgalkii daba-yaaqadii sanadkii 2022 iyo sanadkii xigay ee 2023 ay ciidamadu ka sameeyeen Galmudug iyo Hirshabelle ayay ku guuleysteen in ay kala jaraan gurmadkii Shabaabka ee maamuladaasi, oo mana awoodin in ay labada maamul si caadi ah isugu socdaan.
Hadda, Shabaabka ayaa awooda in maleeshiyadooda ku sugan Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe ay gaaraan deegaanka Jowle ee koonfurta Gobolka Mudug, iyagoo soo dhex maraya bariga Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud. Waxaa kaloo xusid mudan in gurmadka Shabaabka ee ka imanaya Gobolada Koonfureed ay gaari karaan Gobolka Mudug, iyagoo ka soo gudbaya galbeedka Gobolka Hiiraan oo sanado badan ay haysteen.
Shabaabka ayaa Axaddan jabsaday difaacii ciidamada ee duleedka Degmada Maxaas, ka hor inta aan laga saarin Degmada Moqokori, maadaama ay ka warqabeen in uu jiray diyaargarow uu qorshuhu ahaa in lagu xoreeyo degmadaasi. Shabaabka ayaan sugin inta laga saarayo Moqokori, iyagoo taasi bedelkeeda ciidamada kaga horreyay gacanta weerarka.
Saraakiisha ku dhow dhow Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kuu sheegaya in dhawaan ay dadku arki doonaan is bedelo waaweyn, oo ku aaddan dib u xoreynta dhulka ka maqan gacanta qaranka.
Si kastaba ha-ahaatee dagaalkii maanta ayaa gaystay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawacba isugu jira oo labada dhinac ah, inkastoo aysan jirin cid si dhab ah u sheegi karta inta uu khasaaruhu le’egyahay. Maxamed Shidane Afrax oo ahaa Taliyihii Hay’adda Nabad Sugidda ee Degmada Cadaado ayaa ka mid ah xubnaha dhanka ciidamada uga geeriyooday dagaalka. Allaha u naxariistee Maxamed Shidane ayaa lagu aasay deegaanka Mareergur ee Gobolka Galgaduud.