Home Dhacdooyin Jabuuti oo kordhineysa tirada ciidamada ka jooga Somaliya

Jabuuti oo kordhineysa tirada ciidamada ka jooga Somaliya

by Laacib

Dowladaha Somaliya iyo Jabuuti ayaa maanta kala saxiixday heshiis cusub, oo suurtagelinaya in Dowladda Jabuuti ay ciidamo dheeraad ah u soo dirto dalka.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, Axmed Macalin Fiqi iyo Kusimaha Wasiirka Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Jabuuti, Cali Xasan Bahdoon ayaa heshiiskan ku kala saxiixday Magaalada Djibouti, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiin ka kala tirsan labada dowladood.

“Heshiiskan ayaa hagaya kordhinta tirada Ciidamada Jabuuti ee lagu sii kordhinayo hawlgalka ka socda gudaha Somaliya, iyadoo la raacayo mabaadi’da iyo mudnaanta ay labada dhinac horey uga heshiiyeen. Waxa uu sidoo kale qeexayaa habraacyada fara-gelinta, waajibaadka labada dhinac iyo hannaanada iskaashi ee labada ciidan, iyadoo lagu saleynayo ruux wada shaqayn iyo is ixtiraam.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen labada dowladood.

Warsaxaafadeedka ayaa intaasi ku daray “Iskaashigan wuxuu muujinayaa, sida Jamhuuriyadda Jabuuti uga go’an tahay taageerada nabadda iyo amniga Somaliya, wuxuuna qayb ka yahay aragti guud oo labada dal ka wadaagaan xasilloonida gobolka. Munaasabadda saxiixa ayaa ku qabsoontay jewi walaaltinimo iyo kalsooni leh, taasoo mar kale muujineysa xoogga iyo qotada dheer ee xiriirka taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.”

Warbaahinta ayaa fahamsan in ku dhawaad 900 oo askari oo ka tirsan Militariga Jabuuti ay ku sugan yihiin dalka, kuwaas oo qayb ka ah Hawlgalka Midowga Afrika (AUSSOM) ee Dowladda Soomaaliyeed lagaga taageerayo howlaha sugidda amniga iyo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

Heshiiska cusub ay haatan kala saxiixdeen labada dowladood kuma cadda tirada la doonayo in la gaarsiiyo askarta Jamhuuriyadda Jabuuti ka joogta dalka, balse waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in askartan cusub lagu kordhinayo hawlgalka ka socda gudaha Somaliya.

Ciidamada Jabuuti ayaa dhowr iyo toban sano ku sugan dalka, gaar ahaan Gobolka Hiiraan, wuxuuna heshiiskan uu imanaya, iyadoo maleeshiyada Al Shabaab ay toddobaadkii u dambeeyay is ballaarin ka wadeen bariga gobolkaasi.

Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay ciidamadeeda u soo dirtay dalka, bishii December ee sanadkii 2011, si Somaliya looga caawiyo amnigeeda iyo in ay ka adkaato kooxaha argagixisada ee dhibaatada ku noqday horu-socodkeeda.

Militariga Jabuuti ayaa la kowsaday hawlgalkii koowaad Midowga Afrika ee la oran jiray AMISOM ee uu xigay ATMIS iyo hadda oo lagu magacaabo AUSSOM.

Tallaabada ay Jabuuti markii ugu horreysay ku kordhineyso tirada askarteeda ayaa timid, iyadoo khatarta argagixisada Somaliya ay weli tahay mid aad u sarreyso.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc