Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Magaalada Boosaaso ku qaabilay Safiirka Turkiga ee dalka, Danjire Alper Aktaş.
Safiirka Turkiga iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Xarunta Gobolka Bari ee Boosaaso, si ay Madaxda Puntland uga la hadlaan arrinta la xiriirta markabkii hubka u waday Magaalada Muqdisho, balse ay Ciidanka Badda Puntland ku qabteen meel ku beegan xeebta deegaanka Bareeda ee Gobolka Bari.
Markabkan oo lagu magacaabo SEA WORLD, sidoo kalena waday gaadiid dagaal ayay ciidamada u soo gelbiyeen Magaalada Boosaaso, oo dekedeeda uu ku xirtay 19-kii bishii July.
War ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in kulanka Madaxweyne Deni iyo Safiirka uu daba socday xiriir muddo u dhaxeeyay labada dhinac, oo ku aaddan markabka iyo shixnadda saaran, isla-markaana ay Dowladda Turkiga la wadaagtay Puntland caddeymaha in ay iyagu leeyihiin dhammaan hantida saaran markabka.
Warka ayaa lagu sheegay in Puntland ay go’aansatay in markabka iyo hantida saaranba lagu wareejiyo Dowladda Turkiga, iyadoo ku qanacday caddeymaha Turkiga.
“Dowladda Puntland oo ka duuleysa caddeymaha ay soo gudbisay Dowladda Turkiga iyo baaritaankii lagu sameeyay markabka iyo shixnadda uu sido ayaa go’aansatay in masuuliyadda markabka MV SEA WORLD iyo hantida saaranba lagu wareejiyo Dowladda Turkiga.” Ayaa lagu yiri warka.
Dowladda Federaalka oo dhowr cisho ka aamusneyd, ka dib la wareegitaankii Puntland ee markabkaasi ayaa 23-kii July soo saartay war ay Puntland kaga dalbaneyso in ay sii deyso markabka xamuulka, haddii kalena ay dowladddu qaadi doonto tallaabo dhanka amniga ah.
Cilaaqaadka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Puntland ayaa xumaa, tan iyo markii uu go’ay xiriirka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Deni, bartamihii sanadkii 2023.
Khilaafka labada dhinac ayaa cirka isku shareeray, ka dib markii Puntland ay 31-kii bishii March ee sanadkii 2024 ku dhawaaqday in ay hakisay wada shaqayntii ay la lahayd Dowladda Federaalka, ka gadaal markii Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ay 30-kii bishaasi ansixiyeen wax ka bedel lagu sameeyay 4 ka mid ah 15-ka cutub ee uu ka kooban yahay Dastuurka KMG.
Turkiga ayaa toddobaadyadii u dambeeyay galaanbal badan ugu jiray, sidii markabka loo soo fasixi lahaa, isaga oo si taxadar leh uga fogaanaya in uu sii huriyo khilaafka Villa Somalia iyo Puntland, waana Turkiga oo lagu tilmaamo saaxiibka ugu weyn ee ay maanta Somaliya leedahay.
Khilaafka Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Siciid Deni ayaa sal u ah arrimaha siyaasadda dalka oo ay isku qabteen, iyadoo Deni uu door weyn ku lahaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku guuleysto doorashadii madaxtinimada ee dalka ka qabsoomtay 15-kii bishii May ee sanadkii 2022.