Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidanka Dhulka oo booqday Bariire oo laga saaray Shabaab (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo booqday Bariire oo laga saaray Shabaab (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa maanta booqasho ku tagey deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose, ka dib markii ciidamadu ay dib ula wareegeen deegaankaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Militariga Uganda ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa Jimcihii si buuxda ula wareegay amniga deegaankaasi, ka dib dhowr maalmood oo ay kula dagaalamayeen maleeshiyada Al Shabaab.

Shabaabka ayaa 21-kii bishii March la wareegay Bariire, iyadoo aanu wax dagaal ahi ka dhicin, ka gadaal markii ay isaga baxeen Ciidanka Xoogga Dalka oo dhowr sano halkaasi ku lahaa saldhig weyn oo militari. Ka bixista ciidamada ayaana ka dambeysay, markii maleeshiyadu ay culeys soo saartay deegaankaasi.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, Axmed Macalin Fiqi oo Jimcihii shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ku dhawaad 120 nin oo Shabaab ah lagu dilay dagaaladii lagu la galay Bariire.

Wasiirka ayaa sheegay in Bariire ay tahay magaalo istiraatiiji ah, oo xoreynteedana ay macno u leedahay Dowladda Federaalka. Wasiirka ayaa tilmaamay in Bariire ay dowladdu u tahay isgoys muhiim ah.

Bareere ayaa ku taala inta u dhaxeyso Degmooyinka Afgooye iyo Awdheegle, waxayna qabashadeeda ay muhiim u tahay in ciidamadu ay gaaraan Degmada Awdheegle oo la lumiyay bartamihii bishii March.

General Sahal Cabdullaahi Cumar, Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa waxaa Bariire ku soo dhaweeyay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa AUSSOM.

Taliyaha ayaa kormeeray godadkii iyo goobihii kale ee laga saaray maleeshiyada Shabaabka, isagoona bogaadiyay hawlgalka wadajirka ah ee ay ciidamadu ku xoreeyeen deegaankaasi.

Taliyaha ayaa intii uu ku sugnaa Bariire waxaa lagu soo bandhigay hub la sheegay in laga furtay kooxaha argagixisada.

Ma cadda goorta ay ciidamadu u dhaqaaqi doonaan Awdheegle, balse saraakiisha ayaa laga soo xigtay in uu socdo qorshihii lagu xoreyn lahaa degmadaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc