Home Dhacdooyin Askar lagu helay inay la shaqeynayeen Al Shabaab oo lagu toogtay jiidda Gobolka Sh/hoose

Askar lagu helay inay la shaqeynayeen Al Shabaab oo lagu toogtay jiidda Gobolka Sh/hoose

by Laacib

Alifle Maxamed Xuseen Buulle iyo Dable Aadan Isaaq Yarow (Salaad koofi) oo ka tirsanaa Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta lagu toogtay jiidda hore ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa askartan ku heshay qiyaano qaran iyo in ay maleeshiyada Al Shabaab la wadaageen xogta ciidamada, taas oo keentay in ay fududeeyaan qarax lagu dilay Allaha u naxariistee Abaanduulihii Ururka 83-aad, Ex Dhamme Xoogga Dalka Caydiid Maxamed Cali. Abaanduulaha ayaa 15-kii bishii July ee sanadkii 2024 lagu dilay qarax loogu xiray sariirtii uu ka seexanayay xerada ay ciidamada ku leeyihiin deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Maxkamadda Militariga ayaa 18-kii bishii August ee sanadkii 2024 ku xukuntay dil toogasho, oo ah qiyaasta dilkii ay qaybta ka ahaayeen ee loo gaystay Abaanduulihii Ururka 83-aad ee Guutada 14-ka October, iyadoo maantana lagu fuliyay xukunkaasi, sida uu Warbaahinta u sheegay Xeer Ilaaliye Dhamme Xasan Maxamed Siyaad (Xasan Tarsan). Raggan ayaa lagu toogtay fagaare ku yaala meel u dhow deegaanka Bariire, halkaas oo Jimcihii si buuxda looga saaray maleeshiyada Al Shabaab, waxaana goobta lagu qisaasay ku sugnaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, General Liibaan Cali Yarow.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo goobta ka hadlay ayaa digniin u diray cid kasta oo la shaqeysa maleeshiyada Al Shabaab.

Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in qof kasta oo qiyaana qaran ku kaca, darajadii doono ha lahaado uu mari doono waddada ay raggaasi mareen.

“Qof kasta oo qiyaana qaran ku kaca, darajaduu doono ha lahaado, noocuu doono ha ahaado, shaatiguu doono haku jiro, qof kasta oo ku kaca qiyaana qaran oo qarankiisa, dadkiisa iyo dalkiisa qiyaano saakay kuwaanu meeshii ay mareen ayay mari doontaa.” Ayuu yiri Taliyuhu.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray “Ilaahay idiinkiis qof kasta oo qarankeeda qiyaana iyo qof kasta ee ummadeeda qiyaanana ceebteeda Ilaahay bannaanka ayuu keeni doonnaa, meeshaas ayayna ku dambayn doontaa.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc