Home Dhacdooyin Dowladda Federaalka oo is bedel degdeg ah ka sameynaysa Gobolka Gedo

Dowladda Federaalka oo is bedel degdeg ah ka sameynaysa Gobolka Gedo

by Laacib

Ka dib dagaalkii 22-kii bishii hore ee July ka qarxay Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa Dowladda Federaalka ku riixay in ay ciidan ka qorato degmadaasi iyo gobolkaba, iyadoo uu taagan yahay khilaafka kala dhaxeeya Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Ciidamada laga qoray Beledxaawo ayaa Dowladda Federaalka ka taageeray in 30-kii July Ciidanka Jubbaland laga saaro magaalada iyo in 11-kii bishan sidoo kale laga saaro deegaanka Tuulo Amiin oo jihada waqooyi uga beegan Beledxaawo.

Warbaahinta ayaa fahamsan in ciidamadan ay isugu jiraan maleeshiyo beeleed la siiyay labiska Ciidanka Xoogga Dalka & kuwa Hay’adda Nabad Sugidda iyo weliba qaar ka mid ah Ciidankii Jubbaland, oo saraakiishooda lagu qanciyay in ay ku xuquuq noqdaan Ciidamada Dowladda Federaalka, iyadoona soo xero gelintooda dhaqaale lagu bixiyay.

Ciidamo yar ayaa horey Dowladda Federaalka uga joogay magaalada, balse maanta kuwooda ka jooga ayaa lagu qiyaasaa illaa shan boqol oo nin, welina ay saraakiishu ciidamo cusub ka qoranayaan Beledxaawo.

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan), Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ee Jubbaland ahna Madaxa Amniga ee Gobolka Gedo iyo saraakiisha kale ee fadhigoodu yahay Xerada Ciidanka Xoogga Dalka ee UK ee ku taala duleedka bari ee Beledxaawo ayaa halkaasi ku diyaarinaya ciidamada cusub.

Dowladda Federaalka ayaan wax gurmad ciidan ah ka dejin Xerada UK, marka laga soo tago in diyaarad helicopter ah ay saraakiil deegaanka u dhashay ku gaysay xeradaasi, waana kuwa Cabdirashiid Janan kala shaqeynaya qarameynta ciidamada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii Talaadada ugu baaqay Ciidanka Jubbaland ee u tallaabay dhinaca Kenya inay dib ugu soo laabtaan deegaanadooda. Madaxweynaha ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in aan cidina la ciqaabi doonin, isla-markaana loo ballanqaadayo badqabkooda iyo nabadgelyadooda.

Dhanka kale Dowladda Federaalka ayaa waxaa cad in ay soo geba-gabeysay qarameynta ciidamadii horey ugu sugnaa Degmooyinka Garbahaarey iyo Buurdhuubo, iyadoona hadda u jeedsaneysa qarameynta Ciidanka Jubbaland ee ku sugan Degmooyinka Luuq, Baardheere iyo Ceelwaaq. si loogu diiwaangeliyo inay ka mid yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka, isla-markaana loo siiyo mushaarka iyo gunnada ay ciidamada kale qaataan.

Ciidamada diyaarka ah ee hadda ku sugan Gobolka Gedo ayaa tiradooda lagu qiyaasaa in ka badan laba kun oo askari, kuwaas oo intooda badan ay joogaan Degmada Ceelwaaq iyo deegaanka xuduudda ku yaala ee Gariley. Ciidamadan ayaa waxay u badan yihiin Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee ka amar-qaata General Cabaas Ibraahim Gurey.

Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan gobolka ayaa sheegay in uu meel wanaagsan marayo qorshaha lagu qarameynayo ciidamadaasi, walow uusan arrintan ka hadlin General Cabaas Ibraahim Gurey, oo muddooyinkanba ku magacawnaa Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee Gobolka Gedo.

Jananka ayaa waxaa si dhow loola xiriiriyaa Madaxda Jubbaland, mana jirto meel uu illaa iyo hadda uu ku taageeray is bedelka ay Dowladda Federaalka ka sameynayso gobolkaasi.

Saraakiisha Dowladda Federaalka ayay caqabad ka haysataa, sidii ay Gudoomiyaha Degmada Doolow, Maxamed Xuseen Cabdi (Lafey) uga dhaadhicin lahaayeen inuu ka tanaasulo taageeradiisa Jubbaland, uuna u hoos yimaado Dowladda Federaalka, si la mid ah Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Luuq, Beledxaawo, Garbahaarey, Buurdhuubo, Baardheere iyo Ceelwaaq.

Inkastoo Gudoomiyaha Degmada Ceelwaaq, Ibraahim Guuleed Aadan uu door bidayo in uu ka sii hoos shaqeeyo Jubbaland, haddana waxaa la leeyahay ma ahan mid mabda’ ahaan ka fog in uu la shaqeeyo Dowladda Federaalka, marka loo eego Gudoomiye Lafey oo gebi ahaanba diidan in uu ka tago Jubbaland.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Saraakiisha Dowladda Federaalka ay toddobaadyadii la soo dhaafay dhaqaale fara-badan u adeegsanayeen, sidii ay u kala furfuri lahaayeen Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Gedo ee taabacsan Maamulka Jubbaland.

Saraakiisha ayaa qorshahoodan garab waday in dhanka dowladda loo soo jiido siyaasiyiinta, odayaasha iyo waxgaradka reer Gedo ee lala xiriiriyo Madaxtooyada Jubbaland, tani oo ah mid lagu wiiqayo taageerada dadka gobolka ee Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Kuxigeenkiisa Maxamuud Sayid Aadan.

Villa Somalia ayaa ku hamineysa in maamulka gobolka oo dhan ay si dhakhsa ah u hoos keento Dowladda Federaalka, iyadoo og in gobolkaasi uu muhiim u yahay doorashada madaxtinimada dalka ee sanadka soo socda, haddiiba lagu heshiiyo in nooc uun doorasho dalka laga qabto.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee sanadkii 2023 Maamulka Gobolka Gedo dib u hoos gaysay Jubbaland, ka dib dhowr sano oo gobolkaasi uu ka go’naa Jubbaland.

Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sanadkii 2020 maamul ahaan gobolkaasi ka jartay Jubbaland, ka gadaal markii ay ka hortimid doorashadii 22-kii bishii August ee sanadkii 2019 ka dhacday Magaalada Kismaayo ee markii labaad xilligaasi xilka dib loogu soo doortay Axmed Madoobe.

Dowladda haatan jirta ayaa hadda mar labaad gobolkaasi ka jareyso Dowlad Goboleedka Jubbaland, sababtu tahay diidmadeeda doorashadii 25-kii bishii November ee sanadkii 2024 ka dhacday Kismaayo ee markii saddexaad xilka madaxtinimada ee Jubbaland loogu soo doortay Axmed Madoobe.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa doorashadaasi ku tilmaamay mid sharci darro ah, waxayna dowladdu ay Axmed Madoobe ugu yeertay hoggaamiye hore.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc