Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku foogan, sidii guluf ballaaran loogu qaadi lahaa deegaanada ay maleeshiyada Al Shabaab kaga sugan yihiin dalka, gaar ahaan Gobolada Dhexe.
Madaxweynaha oo booqasho ku jooga Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa taageero dheeraad ah u raadinaya dagaalka ay ciidamadu kula jiraan maleeshiyadaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu Madaxda Galmudug iyo Saraakiisha Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee fadhigoodu yahay magaaladaasi uu ka dalbaday in dib loo abaabulo dadka deegaanka, si ay ciidamadu uga gacan siiyaan burburinta kooxaha argagixisada.
Saraakiisha Ciidamada ayaa kuu sheegaya in Madaxweynuhu uu amar ku bixiyay in dadka deegaanka lagu hoggaamiyo dagaalka, si ay garab ugu noqdaan Ciidanka Xoogga Dalka.
Toddobaadkan ayaa waxaa Gobolada Mudug, Galgaduud iyo Shabellaha Dhexe laga bilaabay in la abaabulo dadka deegaanka, iyadoo kuwooda hubka iyo rasaasta u baahan ay Dowladda Federaalka siineyso.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Madaxda Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ay diyaarado hub iyo rasaasba ku gaynayaan goboladaasi, iyagoo loo hoggaansamaya amarka Madaxweynaha Qaranka.
Madaxweynaha ayuu qorshihiisu yahay in mar kale la mideeyo cududda Ciidamada Militariga iyo Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley.
Deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle ayaa waxaa sanadkii 2022 laga abaabulay maleeshiyaad deegaanka ah, oo siyaabooyin kala duwan loogu yeero Ciidanka Difaaca Shacabka iyo weliba Macawiisley.
Xoogaga Macawiisleyda ayaa sanadihii 2022 iyo 2023 Ciidanka Ciidanka Dalka ka caawiyay in maleeshiyada Shabaabka laga saaro dhul ballaaran oo ay ka haysteen labadaasi maamul, walow ay Shabaabku dib u soo qabsadeen inta badan dhulkii laga saaray.
Macawiisleyda oo hadda siyaabooyin kala duwan loogu abaabulayo deegaano ka tirsan labada maamul ee ka dhisan bartamaha dalka ayaan looga maarmi karin dagaalkan, marka aad eegto in Shabaabku ay tahay in loogu tago goobaha ay ku sugan yihiin.
Inta badan Macawiisleyda ayaa ah dad reer miyi ah, waana dadka deegaanka oo si wanaagsan u kala garanaya dhulka la doonayo in laga xoreeyo Al Shabaab.
Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa dhowr kun oo Macawiisley ah ka qortay deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug, kuwaas oo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu saddex sano ka hor u bilaabay mushaar iyo gunno.
Macawiisleyda ayaa aad caan u noqotay wejigii koowaad ee hawlgalka dib u xoreynta dalka ee ku dhawaad saddex sano ka hor laga bilaabay Gobolada Dhexe, laguna xoreeyay inta badan dhulkii ay Al Shabaab ka haysatay Gobolada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Macawiisleyda ayaa xilligaasi kasbatay taageerada Madaxda Qaranka, waana marka militariga iyo madaxdaba ay ogaadeen in khasaaraha uu yar yahay, marka ay la hawlgalayaan Ciidanka Xoogga Dalka, marka loo fiiriyo dagaalka ay ciidamada oo keliya ay qaadayaan.
Qaar badan oo Macawiisleyda ka mid ah ayaa la sheegaa in ay kala taggeen, ka dib markii hawlgalku uu istaagay horaantii sanadkii 2024, wixii ka dambeeyayna ay hawlgaadu gaabis ahaayeen.
Macawiiseyda ayaa noqday ciidan markii la doono mushaarkii iyo gunnadii loogu talagalay la siiyo, markii la doonana laga jaro, taas ayaana loo maleynaya in ay qaarkood ka caroodeen.
Dowladda Federaalka ayaa lagu dhaliilay in ay taakulada saadka ka jartay Macawiisleyda Gobolka Hiiraan, xilli aysan ka bixin goobihii ay difaaca kaga jireen, isla-markaana ay noqdeen Macawiisleyda keliya ee la dagaalameysa Al Shabaab.
Xoogagan ayaa billihii May iyo June dagaal adag la galay maleeshiyada Al Shabaab, kuwaas oo culeys weyn soo saaray Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.
Shabaabka oo 16-kii bishii April dagaal culus kula wareegay Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa billihii xigay weerar ku hayay deegaanada hoostaga Degmada Moqokori, illaa isbuucii koowaad ee bishii July ay dagaal ku qabsadaan degmadaasi.
Qabsashada Al Shabaab ayaa carro ka dhalisay gobolka, waxaana markaasi soo xoogeystay eedeymaha ka dhanka ah Dowladda Federaalka ee ku saabsan in ay hagratay dadkii deegaanka ee u diyaarsanaa in ay ka hortaggaan is ballaarinta Al Shabaab.
Shabaabka oo sii waday weeraradooda gobolka ayaa bartamihii bishii July la wareegay deegaanka Tardo ee bariga gobolkaasi, halka 27-kii bishaasina ay qabsadeen Degmada Maxaas.
Shabaabka oo dagaalka ka fogeynaya Degmada Maxaas oo saaran xuduudda Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa 4-tii bishan la wareegay deegaanka Goobo oo hoostaga Maxaas, waana Goobo oo ku taala waddada aadda dhinaca Magaalada Guriceel.
La wareegitaanka Shabaab ee Maxaas ayaa sanado ka dib soo geba-gabeysay dhibaatadii ka haysatay isu socodkooda deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.
Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya ayaa Galmudug ugu soo laabatay, sidii Shabaabka loogu jebin lahaa goobta dagaalka.
Lama oga in Madaxweynuhu uu Dhuusamareeb ka sameysan doono saldhig uu ka hoggaamiyo amaba uu kala socdo hawlgalka uu qorshuhu yahay in lagu wiiqo Al Shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo sanadkii 2023 ahmiyad badan siinayay wejiga koowaad ee hawlgalka dib u xoreynta dalka ayaa xilligaasi Dhuusamareeb ka sameystay bar uu ka socdo dagaalka, tanina waxay dhiirigelin u noqotay ciidamada oo ka helay firfircooni dheeraad ah.