Home Wararka Maanta Duulaanka Al Shabaab ee bariga Gobolka Hiiraan oo sii socdo

Duulaanka Al Shabaab ee bariga Gobolka Hiiraan oo sii socdo

by Laacib

Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay gelinkii dambe ee Isniintii la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Qowl oo hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in boqolaal nin oo Shabaab ah ay kubaareeyeen deegaankaasi, taasoo Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley ku riixday in ay isaga baxaan deegaanka.

Qowl oo qiyaastii 40km jihada galbeed uga beegan Degmada Maxaas ayaa waxaa dhowr sano deganaa Xoogaga Macawiisleyda, waana markii koowaad oo deegaankaasi ay isaga baxaan, tan iyo sanadkii 2022 oo saldhig ay ka sameysteen.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay sii waddo is ballaarinteeda deegaanada bariga Gobolka Hiiraan, isla-markaana ay xalay maleeshiyadu soo gashay aagga deegaanka Waabweyn, isla-markaana ay qaarkood ku sii guurguuranayaan deegaanka kale ee lagu magacaabo Xalaaley. Deegaanadan ayaa hoostaga Degmada Halgan ee gobolkaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Shabaabkii 7-dii bishii July qabsaday Degmada Moqokori oo kaashanaya kuwoodii horey ugu sugnaa deegaanada Yasooman, Aboorey iyo Jicibow ee bariga gobolka ay qorsheynayaan, sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen deegaanadaasi.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in Shabaabku ay qarka u saaran yihiin in ay si buuxda ula wareegaan deegaanada Xalaaley iyo Waabweyn, oo ay isaga baxeen Macawiisleyda reer Hiiraan.

Deegaaadan ayaa waxay ka mid yihiin goobaha ay ciidamadu ka ilaaliyaan amniga waddada laamiga ee isku xirto Buuloburde iyo Halgan ee dhinaca kalena tagta Magaalada Beledweyne.

Haddii Shabaabku qabsadaan waddadan ayaa waxay ka dhigan tahay in ay kala jareen isu socodkii saddexdaas magaalo, tanina waxay caqabad weyn ku noqoneysaa in ay dadku ku safraan waddadaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Macawiisleyda ayaa saddex sano ka hor Shabaabka ka saaray dhulka ay maanta dib ugu soo laabanayaan.

Ciidamada ayaa xilligaasi soo afjaray go’doomin ay Shabaabku muddo sanado ahi ku hayeen Buuloburde iyo Halgan, marka aad eegto in ay iyagu gacanta ku hayeen deegaanada hoostaga magaalooyinkaasi.

Dadka deegaanka ayaa dareemay nafis, markii ciidamadu ay Shabaabka ka kiciyeen deegaanada ku xeeran labadaasi magaalo, isla-markaana ay xaqiijiyeen amniga waddada laamiga. Dadka ayaana tan iyo xilligaasi si xorriyad leh ugu safrayay waddadaasi.

Hadda, haddii Al Shabaab ay awood u yeelato inay carqaladeyso amniga waddada laamiga iyo inay go’doominta ku soo celiso Buuloburde iyo Halgan ayaa waxay calaamad u tahay in uu fashil ku soo dhammaaday guushii dahabiga ahayd ee laga gaaray wejigii koowaad ee hawlgalka dib u xoreynta dalka.

Militariga iyo Macawiisleydan ayaa hawlgalkaasi Al Shabaab kaga sifeeyay deegaanada bariga ee Gobolka Hiiraan, waana hawlgalka ay magaca iyo sumcadda ku kasbatay Macawiisleydu.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc