Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay laba nin oo horey loogu helay in ay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al Shabaab iyo inay dilal ka gaysteen Magaalada Muqdisho.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo Shabaabka dhexdooda looga yaqiinay (Maaxi & Yoonis) iyo Ibraahim Aadan Maadey oo isna loo yaqiinay (Cabdiraxmaan) ayaa lagu toogtay fagaare ku yaala Magaalada Muqdisho.
Maxkamadda Ciidamada ayaa 21-kii bishii May ee sanadkii 2024 waxay dil toogasho ku xukuntay Ibraahim Aadan Maadey, kaas oo lagu helay in 2-dii bishii January ee sanadkaasi uu Degmada Hodan ku dilay marxuumad Khadiija Maxamed Siyaad.
Ninkan ayaa marxuumadda oo ka tirsaneyd Shaqaalaha Nadaafadda ee Gobolka Banaadir ku hor dilay gabar ay dhashay, xilli ay ku sheekeysanayeen ilinka hore ee gurigooda.
Ciidamada amniga oo ka ag-dhawaa goobta, kuna baxay rasaastii lagu dilay marxuumadda ayaa toogasho ku dhaawacay ninkaasi, xilli uu isku dayaayay in uu goobtaasi ka baxsado.
Ninka labaad ee lala toogtay ninkaasi ayaa isna kol hore lagu helay in uu dil ka gaystay Muqdisho, iyadoona maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho.
Maxkamadda Militariga ee Muqdisho ayaa bishan September ku bilowday inay sii waddo fulinta xukunada dilka ah ee dib loo bilaabay bishii August, ka dib laba illaa saddex sano oo si ku-meel-gaar ahi loo hakiyay fulinta xukunada dilka.
Tani ayaa wadarta xubnaha Shabaabka ee illaa bishii hore ee August lagu toogtay Muqdisho ka dhigeysa 12 nin.