Home Wararka Maanta Xaalad kacsanaan ah oo ka jirta Degmada Wisil ee Gobolka Mudug

Xaalad kacsanaan ah oo ka jirta Degmada Wisil ee Gobolka Mudug

by Laacib

Xaaladda Degmada Wisil ee koonfurta Gobolka Mudug ayaa kacsan, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay ku soo dhawaadeen degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaab wata gaadiidka dagaalka ay Arbacadii ka soo ruqaansadeen deegaanka Qaycad, isla-markaana ay soo kubaareeyeen degmadaasi.

Shabaabka ayaa loo maleynaya in ay ka carreysan yihiin weerar qorsheysan, oo ciidamadu ay toddobaadkii hore ku qaadeen fariisimaha ay maleeshiyadu ku leedahay Qaycad.

Ciidanka Guutada Gargaar ee Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Difaaca Shacabka oo 27-kii bishii August ka qalab qaatay Degmada Wisil ayaa weerar ku ekeeyay fariisimaha ay Shabaabku ku leeyihiin afaafka hore ee Qaycad. Ciidamada ayaana saacado ka dib ku laabtay Wisil.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Shabaabka lagu arkay duleedka Wisil, isla-markaana aysan kala caddeyn waxa dhabta ahi ee ay u socdaan.

Dadka deegaanka ayaa isla dhex maraya in Shabaabku uu hadafkoodu yahay in ay weerar toos ah ku soo qaadaan degmadaasi amaba ugu yaraan inay go’doomiyaan, iyagoo dadka ka hor istaagaya safaradii ay ku tagayeen deegaanada koonfurta gobolka ee ay iyagu maamulaan.

Shabaabka ayaa deegaano badan kaga sugan gobolkaasi, oo ay ka mid yihiin Jowle, Eryaal, Dumaaye, Dabagalo, Miliqo, Miiroon, Dhalwo, Qodqod, Ceel Cabdi, Qaycad, Caad, Cammaara, Bacaadweyne, Shabellow, Jeex-jeexa, Yacgoos iyo Dhagaxdheer. Inta badan dhulkan ayaa Shabaabka laga saaray sanadkii 2023, walow ay dib ugu soo laabteen, iyagoo si weyn uga faa’iideystay hakadka ku yimid gulufkii militari ee lagu la dagaalamayay.

Tallaabadan ay Shabaabku isugu soo fidiyeen aagga Wisil ayaa keentay in ciidamadu ay u diyaargaroobaan, sidii ay uga hortagi lahaayeen weerar ay suurtagal tahay in ay ku soo qaadaan gudaha degmadaasi.

Daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka ee loo abaabulan la dagaalanka Al Shabaab ayaa xoojiyay difaaca ay ku leeyihiin bannaanada magaalada.

Saraakiisha Galmudug ee ka hawlgala Wisil ayaa kuu sheegaya in ciidamadu ay u diyaarsan yihiin, sidii ay uga hortagi lahaayeen khatarta kooxaha argagixisada.

Taariikhda inta ay qoreyso, Shabaabka ayaa hal jeer weeraray Degmada Wisil, markaas oo ahayd 27-kii bishii June ee sanadkii 2021 oo ay ku qaadeen weerar ay qaraxyo ku bilowdeen.

Shabaabka ayaa ku jabay dagaalkaasi, ka gadaal markii ay iska caabin xoog badan kala kulmeen ciidamada oo gacan ka helaya Xerta Ahlu Sunna Waljameeca ee ku xoogan Wisil.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc