Home Wararka Maanta Xubno Shabaab iyo hub laga furtay oo lagu soo bandhigay Ceeldheer (SAWIRRO)

Xubno Shabaab iyo hub laga furtay oo lagu soo bandhigay Ceeldheer (SAWIRRO)

by Laacib

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ku soo bandhigay maxaabiis nool oo lagu qabtay dagaalkii Jimcihii ka dhacay degmadaasi, meydadka xubno ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab oo lagu dilay dagaalkaasi iyo hub la sheegay in laga furtay maleeshiyadii weerarka soo qaadday.

Maxaabiista nolosha lagu qabtay oo laba nin ahaa ayaa soo muuqday iyagoo garbo duub u xiran, waxayna saraakiishu ballanqaadeen in si wanaagsan loola dhaqmi doono, illaa iyo inta lagaga wareejinayo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Raggan ayay u badan tahay in la gayn doono Magaalada Dhuusamareeb, si halkaasi looga saaro diyaarad u qaadda dhinaca Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in laga yaabo in raggan diyaarad helicopter ah looga qaado Degmada Ceeldheer, laguna geeyo Muqdisho, balse taasi uun ay tahay doorashada labaad.

Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Maxamed Dhagaweyne, Taliyaha Qaybta 1aad ee Kumaandooska Gorgor, Saahid Jaamac Faarax (Jareere) iyo saraakiil kale ayaa ku sugnaa barxad ku taala degmadaasi oo lagu soo bandhigay maxaabiista, meydadka iyo hubkaba.

Saraakiisha ayaa isla goobta abaalmarin lacageed ku guddoonsiiyay askari la sheegay in uu ka hortagey gaari lagu soo raray walxaha qarxa.

Shabaabka ayaa doonayay in weerar ay ismiidaamiyeyaal iska soo hormariyeen ku qabsadaan Degmada Ceeldheer, ha yeeshee aysan u suurtagelin.

Gaashaanle Diyaar Cabdisalaan Sheekh Cali, Taliyaha Guutada 24aad, Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in Shabaabku ay sameeyeen isku day la mid ah midkii ay horey meelo badan uga sameeyeen, laakiin ay ku hungoobeen weerarkan ay ku soo qaadeen degmadaasi.

Shabaabka ayaa Jimcihii weerarkii ugu weynaa ku qaaday Degmada Ceeldheer, tan iyo markii laga saaray degmadaasi, intii uu socday wejiga koowaad ee hawlgalka diib u xoreynta dalka ee sanadkii 2022 ka bilowday Gobolka Hiiraan, sanadkii xigayna ku fiday Gobolada Shabellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc