Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Qatar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Qatar

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa gaaray Magaalada Doha ee dalkaasi Qatar.

Madaxweynaha Somaliya ayaa ka qaybgelaya Shir Madaxeedka Hoggaamiyeyaasha Carabta iyo kuwa Iskaashiga Islaamka ee Isniinta ka furmaya magaaladaasi.

Madaxda ayay tahay inay shirkan ka soo saaraan go’aan ay ku mideysan yihiin, isla-markaana ka dhan ah Israel, ka dib duqayntii ay 9-kii bishan ka gaysatay Caasimadda Doha.

Madaxda dalalka ayaa waxay taageereen qaraarkii Dowladda Qatar, ee ahaa in ay jiri doonto jawaab goboleed ku aaddan xadgudubka qaawan ay Israel ku soo sameysay qaranimadeeda.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta iyo wadamada Islaamka oo maanta ku kulmay Doha ayaa caawa soo saaray qodobo u badan wax lagu dhalleeceynayay Israel.

Qodobadan oo lagu sheegay inay aasaas u noqon doonaan shirka soo socda ay madaxdu yeelanayaan ayaan ku filneyn in hoggaamiyeyaashu ay mowqif adag ka qaataan Israel, haddii aysan madaxdu wax ka bedel ku samayn arrimaha ay ka wada hadlayaan, si jawaabtoodu ay u noqoto mid macno leh, tallaabo adagna looga qaado Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc