Home Dhacdooyin Dadka reer Huurshe oo gubay masaajid lala xiriiriyay fekerka Al Shabaab

Dadka reer Huurshe oo gubay masaajid lala xiriiriyay fekerka Al Shabaab

by Laacib

Shacabka ku dhaqan deegaanka Huurshe ee Gobolka Galgaduud ayaa galabta gubay mid ka mid ah masaajidda deegaankaasi, ka dib markii uu buuq ka dhashay in uu ka horimarinayo caqiiddada dadka deegaanka.

Dadka deegaanka oo galabta isugu soo baxay afaafka hore ee Masjidul Diraar ayaa bilaabay in ay burburiyaan, ka hor inta aan dab la qabadsiinin.

Dadka reer Huurshe oo culimada deegaanka ay jiheynayaan ayaa go’aan ku gaaray in gebi ahaanba meesha laga saaro masaajidkaasi.

Warbaahinta ayaa fahamsan in masaajidkan lala xiriiriyay rag taageersan fekerka khalafsan ee Shabaabnimada amaba ka ag-dhow, taas oo ka carreysiisay bulshada deegaanka oo u badan dariiqada Suufiyada ee Ahlu Sunna Waljameeca.

Xerta Huurshe ayaa qayb ka ahayd Maamulkii Ahlu Sunna Waljameeca ee dhowr iyo tobanka sano ka arriminayay Gobolada Dhexe ee deegaanada Galmudug.

Xertan ayaa ka qayb qaadatay dagaaladii Xoogaga Ahlu Sunna Waljameeca ay maleeshiyada Al Shabaab kula galeen qaybo ka mid ah Gobolka Galgaduud.

Deegaanka Huurshe waa goobtii bartamihii bishii September ee sanadkii 2021 lagu soo dhaweeyay Hoggaamiyeyaasha Ahlu Sunna Waljameeca, ka dib sanad iyo bar oo ay ka maqnaayeen Gobolada Dhexe.

Deegaankan ayaa Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan u noqday daaqad ay mar kale ka soo galaan siyaasadda dalka, ka hor inta aysan saldhig ka sameysan deegaanka Bohol oo dhanka waqooyi uga beegan Magaalada Dhuusamareeb.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc