Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo laamaha amniga ee Magaalada Muqdisho ayaa qaadaya tallaabooyin waaweyn, oo u muuqdo kuwo ka dhan ah Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka.
Wasiirka Amniga Somaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga Magaalada Muqdisho, ka dib is rasaaseyntii gelinkii dambe ee Arbacadii ka dhacday afaafka hore ee Saldhigga Booliska ee Degmada Warta Nabadda iyo mudaaharaadkii ay Siyaasiyiinta Mucaaradka ku baaqeen in Sabtida ay ka dhigi doonaan saddex goobood oo ku yaala caasimadda.
Kulankan uu Wasiir Fartaag shir guddoomiyay oo ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, isla-markaana uu goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa lagu diiday bannaanbaxa nabadeed ee mucaaradku ku baaqeen, iyadoo tani lagu xoojinayo warkii ay horey dowladdu uga soo saartay inaanan wax bannaanbax ahi lagu qaban karin Muqdisho, iyadoo aan ogolaansho laga haysan hay’adaha ammaanka.
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray siyaasiyiinta uga digay inaysan gaadiidka dagaalka iyo hubka culus ku dhex qaadan karin magaalada, haddii kalena tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.
Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaana ciidamo dul dhigay agagaarka goobaha ay degan yihiin Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta, iyadoo laga hortagayo bannaanbaxa, waxaana ka sii horreysay in boolisku uu shacabka uga digay inaysan ku milyan dad ay ku eedeeyeen inay carqaladeynayaan amniga dalka.
Mucaaradka ayaa xalay warqad ay fasax ku dalbanayaan u diray Wasaaradda Amniga, si ogolaansho loogu siiyo, maadaama uu qodob dastuuri ah jideynayo in dadku ay qaban karaan bannaanbaxyo nabdoon oo dareenkoodu ay ku muujinayaan.
Shariif Sheekh Axmed, Hoggaamiyaha Mucaaradka Somaliya oo habeenkii Arbacada iclaamiyay mudaaharaadkan ayaa sheegay in lagu diidan yahay sida uu yiri falalka waxashnimada ah iyo dhul boobka ka socda Magaalada Muqdisho.
Wasaaradda Amniga illaa iyo hadda kama jawaabin warqadda ay fasaxa ku soo weydiisteen mucaaradka, waxaase taasi bedelkeeda ciidamadu ay caweyskii xalay xabsiga dhigeen Cumar Cali Rooble iyo laba nin oo kale oo odayaal ah.
Cumar Cali Rooble ayaa horey u soo noqday Wasiirka Diinta & Awqaafta, haddana wuxuu ka tirsanaa Siyaasiyiinta Mucaaradka, waxaana lala xiray Xaaji Cali Iimaan iyo ganacsade Cabdiqaadir Maxamuud Cilmi (Bulaale), oo ah laba nin oo odayaal ah, isla-markaana u istaagay xalinta cabashada xoogan ee ka dhalatay dadkii ay dowladdu ka barakicisay xaafadda Siinaay ee Degmada Warta Nabadda.
Warbaahinta ayaa fahamsan in Xaaji Cali Iimaan iyo ganacsade Bulaale ay dhawaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka kala hadleen bal in hoos loo eego dareenka kacsan ee dadka reer Muqdisho ee la xiriira in la boobayo dhulkooda, laakiin aysan jirin cid wax ka dhageysatay, taasoo ugu dambayn keentay inay aadaan dhinaca Siyaasiyiinta Mucaaradka, si wax ka qabashada arrintan ay uga qada shaqeeyaan.
Wariyeyaasha ka hawlgala Muqdisho ayaa ku soo waramaya in buuq uu ka dhashay xarigga ninka siyaasiga ah iyo labada nin ee kale ee lala xiray, iyadoo la diidan yahay waddada loo maray xariggooda.
Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in goor dambe oo xalay ahayd xabsiga laga sii daayay xubnahaasi, ka dib dadaalo ay sameeyeen xubno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.
Tallaabooyinkan ugu dambeeyay ee ay Villa Somalia qaadday ayaa ka tarjumaya, sida uu u sii kordhayo khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Siyaasiyiinta Mucaaradka ee asalkaba ay isku hayeen nooca doorashada ee dalka laga qabanayo sanadka 2026 oo khilaaf uu hareeyay.
Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ee dalka ayaa sheegaya in xiisadda siyaasadeed ee labada dhinac ay gaartay meeshii ugu sarreysay.