Home Wararka Caalamka Raila Odinga oo maanta lagu aasayo beertiisii Bondo

Raila Odinga oo maanta lagu aasayo beertiisii Bondo

by Laacib

Raila Odinga oo horey u soo noqday Raysal Wasaaraha Kenya, haddana ahaa Hoggaamiyaha Mucaaradka ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso deegaanka Bondo oo qiyaastii 60km dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Kisumu.

Dowladda Kenya ayaa fulineysa dardaankiisii ahaa in lagu aaso beertiisa Bondo, sida ay sheegeen xubnaha qoyskiisa.

Meydkiisa ayaa Sabtidii la geeyay Magaalada Kisumu, waxaana naxashka uu ku jiro dadka loogu soo bandhigay Garoonka Ciyaaraha ee Kisumu, si ay halkaasi ugu sagootiyaan. Meydkiisa ayaana xalay loo qaaday deegaanka Bondo, halkaas oo maanta lagu aasi doono.

Odinga oo 80 jir ahaa ayaa Arbacadii ku geeriyooday isbitaal ku yaala India, waxaana meydkiisa Khamiistii laga soo dejiyay Magaalada Nairobi.

Geerida ku timid iyo baroordiiqda qaran ee ay dowladda dalkaasi u sameynayso hoggaamiyaha geeriyooday ayaa laga dareemay dalka oo dhan.

Dowladda Kenya ayaa Arbacadii ku dhawaaqday toddobo maalmood oo baroordiiq qaran ah, iyadoona Madaxweyne William Ruto uu ninkaasi ku tilmaamay halyeey dimoqraadiyadeed.

Odinga ayaa shan xilli u tartamay jegada madaxtinimada ee dalkaasi, mid ka mid ahna kuma guuleysan.

Doorashadii ugu dambeysay ee lagaga adkaado ayaa waxay ahayd middii sanadkii 2022, markaas oo William Ruto loogu doortay in uu noqdo Madaxweynaha Kenya.

Waayihiisii ugu wanaagsanaa ee gudaha waxay ahayd, markii sanadkii 2008 uu noqday Raysal Wasaaraha Kenya, ka dib wada-xaajood adag oo lagu soo afjarayay rabshadihii hareeyay doorashadii 27-kii bishii December ee sanadkii 2007 ka dhacday dalkaasi, oo ay ku dhinteen in ka badan 1,000 qof.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc