Home Wararka Caalamka Raysal Wasaaraha Israel oo sheegay in dalkiisu aanu ahayn mid uu Mareykanka u taliyo

Raysal Wasaaraha Israel oo sheegay in dalkiisu aanu ahayn mid uu Mareykanka u taliyo

by Laacib

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ganafka ku dhuftay in Israel ay tahay dal ku hoos jira nidaamka Mareykanka, isagoo ka jawaabaya hadal haynta ka dhalatay cadaadiska ay Washington ku saareyso in la guda galo wejiyada xiga ee qorshaha Madaxweyne Donald Trump ee nabadeynta Marinka Gaza iyo nabad waarta oo mustaqbalka lagu soo dabaalo Gobolka Bariga Dhexe.

Raysal Wasaaraha Israel ayaa Axaddan sheegay in dalkiisu uu yahay dal madaxbannaan, isla-markaana u madaxbannaan go’aamada uu ka gaarayo arrimihiisa gaarka ah, gaar ahaan siyaasaddooda amniga.

“Siyaasaddayada amniga waxay ku jirtaa gacanteenna.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha oo maanta ka hadlayay furitaanka Shirka Toddobaadlaha ee Golaha Wasiirada Israel.

Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka, JD Vance oo Talaadadii booqday Israel, Arbacadiina la kulmay Raysal Wasaare Netanyahu ayaa gaarsiisay warqad uu Madaxweyne Trump ugu sheegayo, sida uu uga xun yahay rabshadihii Axaddii hore ka dhacay Gaza, isla-markaana halista geliyay inay burburto xabad joojinta ka jirta. Israel waxay xilligaasi sheegtay in Xamaas ay weerar ku soo qaadday ciidamadeeda, isla-markaana ay weerarkaasi kaga dhinteen laba ka mid ah askarteeda, iyaduna ay kaga jawaabtay weeraro ay ku dhinteen tobanaan qof oo Falastiiniyiin ah.

Netanyahu oo u muuqday mid ka falcelinaya farriinta Trump ayaa yiri “Diyaar uma nihin in aan u dulqaadano weerarada naga dhanka ah. Waxaan uga jawaabaynaa si waafaqsan xukunkayaga.”

Netanyahu ayaa wax aan macquul ahayn ku tilmaamay in Washington ay maamusho siyaasadda amniga ee Israel, isagoona ku adkeystay in dalkiisu uu qaato go’aankiisa difaaca.

Hoggaamiyaha Israel oo sii hadlayay ayaa sheegay in xiriirka Israel iyo Mareykanka uu yahay mid xoogan, balse ku dhisan sida uu yiri sinnaan.

Netanyahu ayaa sidoo kale meesha ka saaray fekradda dadka qaar ee ku aaddan in Israel ay jiheyso awoodda Mareykanka, isla-markaana ay uga faa’iideysato si ay uga gudubto xaaladaha horgudban.

“Israel waa waddan madaxbannaan, Mareykanku sidoo kale waa dal madaxbannaan.” Ayuu yiri Netanyahu.

“Xiriirka naga dhaxeeya waa kan ka dhaxeeya kuwa leh wadashaqaynta howleed, isla-markaaana iskaashiga leh. Xiriirkayagu waa iskaashi.” Ayuu yiri Netanyahu.

Netanyahu ayaa dhanka kale sheegay in Israel ay go’aamin doonto dalalka loo ogolanayo in ay ciidamada u diraan Marinka Gaza.

Mareykanka ayaa Talaadadii Israel ka furay xarun isku-dubarid militari iyo rayid. Xaruntan oo ay ka hawlgelayaan 200 oo askari oo ka mid ah Militariga Mareykanka ayaa fududayn doonta qulqulka gargaarka bani’aadantinimo ee Gaza iyo saadka kale ee halkaasi la gaynayo. Ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale agaasimaya ciidamada caaamiga ah ee loo wado Gaza.

Maamulka Madaxweyne Trump oo ku celceliyay in ay ka go’an tahay in la ilaaliyo heshiiska xabad joojinta Gaza ee Israel iyo Xamaas ayaa Madaxda Israel ka dalbaday in ay taggaan miiska wada hadalka, si loo sii ambaqaado wada hadalada wejiyada xiga ee hindisaha Trump ee lagu soo afjarayo dagaalka Gaza, isla-markaana taageeraya nabadda mustaqbalka fog ee gobolka.

Netanyahu iyo Wasiirada xagjirka ah ee gadaal ka taagan ayaa ka soo horjeedo in loo gudbo wareegga labaad ee qorshaha Trump, iyadoo aysan Xamaas soo dhameystiran lafaha maxaabiistii dhimatay.

Turkiga oo ah dalka ugu weyn ee damaanad qaaday in Xamaas ay fulin doonto heshiiska ayaa sheegay in ay dhibaato ka haysato, sidii lagu soo saari lafaha dadkaasi oo ku hoos jira burburka dhismayaasha, isla-markaana ay Israel diidan tahay in mashiinada culus ee wax lagu qado la geeyo Marinka Gaza.

JD Vance, Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka ayaa intii uu ku sugnaa Israel sheegay in Xamaas ay laba goorba soo celin doonto lafaha dadkaasi, loona baahan yahay in waqti la siiyo, horeyna loo sii socdo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc