62
Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cabdicasiis Xasan Maxamed (Golfyare) u magacaabay in uu noqdo Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta ee Madaxtooyada.
Agaasimaha cusub ayaa bedelaya Maxamed Aadan Maxamed (Dugow), kaas oo sanadkii hore xilkan loo magacaabay.
Cabdicasiis Golfyare ayaa ah Saxafi si weyn looga yaqaano dalka, isagoona muddo dheer ka soo shaqeynayay Warbaahinta gudaha.
Golfyare ayay dadku aad ugu barteen tebintiisii dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo markii dambe oo uu u bedeshay dhinaca fallanqaynta siyaasadda.