Home Wararka Maanta Sarkaal ka tirsanaa Maamulkii Ahlu Sunna oo loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Guriceel

Sarkaal ka tirsanaa Maamulkii Ahlu Sunna oo loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Guriceel

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Laba Xidigle Xasan Cusubow u magacaabay in uu noqdo Taliyaha Saldhigga Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaha cusub ayaa bedelaya Gaashaanle Galad Muxumed Qayliye (Galad Power), kaas oo ku dhawaad muddo laba sano ah ku magacawnaa Taliyaha Saldhigga Booliska Guriceel.

Xasan Cusubow waa nin horey ula soo shaqeeyay hay’adaha ammaanka ee magaalada, waana nin ay garanayaan dadka reer Guriceel.

Xasan Cusubow ayaa ka mid ah saraakiishii ay barbaarisay Ahlu Sunnadii Gobolada Dhexe ee dhowr iyo tobanka sano ka arrimineysay qaybo ka mid ah Gobolada Dhexe.

Ninkan ayaa ka mid noqday Xoogagii Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ee Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay qarameysay bishii July ee sanadkii 2019.

Dowladda Federaalka ayaa bishii January ee sanadkan hagaajisay cilaaqaadkeeda Hoggaanka Ahlu Sunna, taasoo la aaminsan yahay in uu ka shaqeeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage.

Jananka oo 30-kii bishii January Xarunta Taliska ee Magaalada Muqdisho ku qaabilay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa weydiistay in ay militariga kala shaqeeyaan la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab, taas oo isna uu aqbalay.

Ahlu Sunna ayaa toddobaadyo ka dib qaar ka mid ah xoogageedii dhowrka sano ku uruursanaa deegaanka Bohol oo 25km jihada waqooyi uga beegan Magaalada Dhuusamareeb ku wareejisay Dowladda Federaalka, iyadoona tababar looga furay xero ku taala Dhuusamareeb, si loogu diyaariyo hawlgal ka dhan ah Al Shabaab.

Hoggaamiyaha Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax oo in muddo ahba dalka ka maqnaa ayaa 14-kii bishii April ka degay Magaalada Muqdisho, ka gadaal markii ay dowladdu u yeertay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc