Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Qaahira

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Qaahira

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Qaahira ee dalkaasi Masar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Qaahira kaga qaybgelaya furitaanka Matxafka Qaran ee Dhaqanka & Taariikhda Masar, sida lagu sheegay war ka soo baxay Villa Somalia.

“Madaxweynaha ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka lagu casuumay munaasabaddan, waxa uuna xoogga saaraya xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya shacabka Soomaaliyeed iyo dhiggooda dalka Masar.” Ayaa lagu yiri warka.

Wasiirka Warfaafinta, Daa’uud Aweys Jaamac oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha ku wehlinaya safarkan ayaa sheegay in Sabtidan la daahfuri doono matxafkaasi.

“Waxaa munaasabadda ka soo qeybgelaya madax fara-badan oo caalamka ka socda.” Ayuu Wasiir Daa’uud Aweys ku sheegay qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook.

“Somaliya waxaa uga qaybgelaya wafdi uu horkacayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Ka qaybgalka Somaliya ee munaasabaddan ayaa ka tarjumeysa xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.” Ayuu yiri Daa’uud Aweys.

Lama sheegin muddada uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sugan yahay Qaahira inay si gaar ahi isku arki doonaan dhiggiisa dalkaasi, Abdel Fattah El Sisi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc