Home Wararka Maanta Madaxweyne Laftagareen oo la heshiiyay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan

Madaxweyne Laftagareen oo la heshiiyay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan

by Laacib

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta Magaalada Nairobi kula kulmay, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo horey u soo noqday Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, kaas oo dhowrkii sano ee u dambeeyay ay is hayeen.

Maxamed Mursal ayaa ka mid ah siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeed ee muddooyinkanba laga hortaagnaa in ay taggaan Magaalada Baydhabo. Siyaasiyiintan ayaana qalabka Warbaahinta ka weerarayay Maamulka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in isaga iyo Gudoomiye Mursal ay ka heshiiyeen kala aragti duwanaanshihii siyaasadeed ee u dhaxeysay, isla-markaana ay isla garteen inay ka wada shaqeeyaan wadajirka & horumarka Koonfur Galbeed iyo tan dalkaba.

“Waxaa maanta Magaalada Nairobi kulan kula qaatay Walaalkayga Gudoomiye Maxamed Mursal oo aan ka heshiinay kala aragti duwanaanshihii siyaasadeed, annagoo isku raacnay midnimada, wadajirka iyo horumarka Koonfur Galbeed iyo guud ahaan Somaliya inaan ka shaqayno.” Ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen oo warkan ku sheegay qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook. Maxamed Mursal iyo siyaasiyiinta kala ah Shariif Xasan Sheekh Aadan, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Daahir Maxamuud Geelle ayaa bishii August heshiis la galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ka dib markii ay ka baxeen Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, oo ah madal ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka. Xubnahan ayaa mab’da ahaan ka tanaasulay mucaaradnimadooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiintan ayaa ku heshiiyay in doorasho toos ah lagu soo doorto Goleyaasha Deegaanka, Xildhibaanada Baarlamaanka ee Heer Dowlad Goboleed iyo Heer Federaalba, iyadoo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalkana ay soo dooran doonaan Madaxweynaha, tani oo noqoneyso tanaasulkii ugu weynaa ee Madaxweynuhu uu sameeyo.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo mucaaradka ayaa isku haya nooca doorasho ee ay tahay in sanadka soo socda dalka laga qabto.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc