Home Wararka Maanta Madaxweynaha Somaliya oo booqasho ku tegay Magaaalda Algiers

Madaxweynaha Somaliya oo booqasho ku tegay Magaaalda Algiers

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray Caasimadda Algiers, ka dib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa Algeria Abdelmadjid Tebboune.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa muddada uu ku sugan yahay dalkaasi waxa uu kulan gaar ahi la qaadan doonnaa Madaxweynaha Algeria, si ay arrimo dhowr ah uga wada hadlaan, sida lagu sheegay war ka soo baxay Villa Somalia.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Aljeeriya waxa uu kulan gaar ah la qaadanayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Aljeeriya, Mudane Abdelmadjid Tebboune iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladdiisa, si ay uga wada hadlaan iskaashiga amniga, ganacsiga, waxbarashada iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa intaasi ku daray “Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo Dowladda Aljeeriya soo dhaweynta diiran ee ay ku qaabileen wafdiga Dowladda Federaalka Somaliya, isagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay in la kobciyo iskaashiga laba geesoodka ah ee Somaliya iyo Aljeeriya.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa safarka ku wehlinaya Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdisalaan Cabdi Cali, Wasiirka Gaashaandhiga, Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha & Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdiqaadir Maxamed iyo Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay).

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc