Home Wararka Maanta Saraakiisha Booliska oo ka warbixiyay qaabka amni ahaan loogu diyaargaroobay doorashada Muqdisho

Saraakiisha Booliska oo ka warbixiyay qaabka amni ahaan loogu diyaargaroobay doorashada Muqdisho

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Asad Cismaan Cabdullaahi iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Mahdi Cumar Muumin ayaa maanta hortagey Xubnaha Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka jira dhaqdhaqaaq loogu diyaargaroobayo Doorashada Golaha Deegaanka oo la qorsheynayo in laga qabto Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoona ay doorashadu noqon doonto mid ay dadweynuhu si toos ah uu soo dooranayaan hoggaamiyeyaashii meteli lahaa.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo shir guddoomiyay Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada ayaa waxaa warbixin la xiriirta xaaladda amniga ee caasimadda iyo tan dalkaba looga dhageystay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu wehliyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir.

“Warbixinadaas ayaa lagu soo bandhigay horumarka laga sameeyay sugidda amniga iyo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga Doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir ee dhawaan la qaban doono.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaare Barre.

Warka ayaa lagu sheegay “Golaha Wasiirada ayaa bogaadiyay guulaha ay Ciidanka Qalabka Sida ka gaareen dagaalka lagu la jiro Khawaarijta iyo dadaalada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo 6-dii bishan Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho kaga qaybgalay ciyaartii finalka ee Degmooyinka Howlwadaag iyo Warsheekh ayaa dadka ku booriyay in ay isugu soo baxaan doorashada lagu wado inay magaalada ka qabsoomto.

Doorashadan ayaa tijaabo u ah qorshaha Villa Somalia ay dalka ku gaarsiineyso doorashada qofka iyo codka ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc