Wararka ka imanaya Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in barakac ballaaran uu ka socdo degmadaasi, xilli Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ay maleeshiyada Al Shabaab kula dagaalamayaan deegaanada hoostaga Jamaame.
Wararka ayaa sheegaya in 24-kii saac ee u dambeysay ay kordheen dadka ka barakacaya magaalada, ka dib markii ay xoogeysteen hoobiyeyaasha ku soo dhacaya xaafadaha la degan yahay.
Saraakiisha Ciidamada ayaa mar sii horreysay sheegay in uu socdo hawlgal kooxaha argagixisada lagaga sifeynayo deegaanada Muuse Xaaji, Araare, Bangeeni, Koban iyo Maleeley oo hoostaga Jamaame.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in horjoogeyaasha Al Shabaab ay xaasaska iyo carruurtooda kala baxayaan magaalada, si ay u gaystaan goobo ammaan ah.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xaasaska iyo carruurta Shabaabka qaarkood ay gaareen deegaanka Kuunya Barrow oo hoostaga Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose. Ilo wareedyada ayaa intaasi ku daraya in kuwo kalena ay ku sii socdaan deegaankaasi, iyagoo la marinayo waddooyin qarda-jeex ah.
Shaababka ayaa waxaa la yaab leh in qoysaskooda ay ku aamini waayeen inay geeyaan Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, maadaama Jamaame ay masaafo ahaan u dhow dahay Jilib, marka loo eego Kuunya Barrow oo aad uga fog.
Dadka ku harsan Jamaame ayaa laga soo xigtay in ay si joogta ah u maqlayaan guuxa diyaaradaha dagaalka, taasna ay sii hurisay cabsida soo food saartay dadka deegaanka.
Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah ayaa toddobaadkii hore la sheegay in duqaymo xoogan ay ka gaysteen deegaanada afka u saaran Jamaame.
Duqaymahan oo lagu taageerayo ciidamada hawlgalka wada ayaa dhanka kale culeys ku ah Shabaabka gacanta ku haya degmadaasi.
Duqaymihii xooganaa ee maalmo ka hor la soo wariyay, guuxa diyaaradaha dul taagan degmada iyo ciidamada la sheegay in ay ku sii socdaan ayaa keentay in dadku sawirtan in xaaladdu ay faraha ka sii baxeyso, sidaasi daraadeedna ay raadsadaan gabaad kale oo ka baxsan aagga.
Barakacaan ayaa noqonaya kiisii ugu ballaarnaa ee ebid laga soo sheego Degmada Jamaame, muddadii ay Al Shabaab maamuleysay degmadaasi.
Shabaabka ayaa la fahamsan yahay in 17 sano oo xiriir ah ay ka arriminayeen degmadan, mana jirin mar qura oo laga saaray, laga soo bilaabo sanadkii 2008.
Shabaabka ayaa waxaa cad in ay isku dayi doonaan in ay difaacdaan gacan ku haynta Jamaame, maadaama haddii ay lumiyaan ay ogyihiin in meesha xigtaa ee lagu soo socdaa ay tahay Jilib, oo ah xarunta ugu weyn ee ay dalka ku leeyihiin, inkastoo aan la garaneyn, sida ay haatan ku suurtageli karto in Shabaabka laga saaro Jilib.