Jeele Maxamed Cismaan oo 32 jir ahaa ayaa saaka lagu toogtay Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.
Maxkamadda Darajada 1aad ee Degmada Dhoobley ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii dil toogasho ku xukuntay ninkan, ka dib markii lagu helay in uu dilay Xabiib Shariif Cabdi oo 9 jir ahaa, sidoo kalena uu dhaawacay Axmed Aadan Liibaan oo 15 jir ah.
Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Degmada Dhoobley, Maxamed Cumar Yuusuf (Siraaji) ayaa sheegay in maxkamaddu ay ku heshay dacwaddii uu Xafiiska Xeer Ilaalinta ku soo oogay, oo ah in falkaasi uu ka gaystay xaafadda Danwadaag ee Dhoobley, isagoo toorey adeegsanaya.
Ninkan ayaa labada wiil oo ehel ahaa ku weeraray xaafaddan, isaga oo markaasi ka carreysan lacag ay isku qabteen nin lagu magacaabo Sayid Cali oo wiilasha ay ehel yihiin.
Dhacdadan ayaa Axaddii ka dhacday xaafadda Danwadaag, oo ay degan yihiin qoysaska barakacayaasha iyo qaxootigii qaar ee ka soo laabtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Ciidamada amniga ayaa subaxnimadii Isniinta gacanta ku soo dhigay Jeele, xilli uu isku dayayay in uu sharciga ka baxsado.
Maxamed Cumar Yuusuf, Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Dhoobley ayaa sheegay in xukunka ay ku saleeyeen qoyska wiilka la dilay oo codsaday in gacan ku dhiiglaha loo qisaaso.
Qoyska marxuumka oo ka mid ah qoysaska ay horey abaaraha uga soo barakiciyeen deegaanada Koonfur Galbeed ayaa dareemaya in ay heleen caddaaladdii ay uga baahnaayeen Dowlad Goboleedka Jubbaland. 