Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley ay maanta hawlgal qorsheysan ku dileen horjooge ka tirsan Al Shabaab, ka dib markii hawlgalkaasi ay ka fuliyeen deegaanka Cali Heele oo hoostaga Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.
Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa war ay caawa soo saartay ku sheegtay in hawlgalka lagu dilay horjooge lagu magacaabo Axmed Sheekh Cumar Caddow Gacal, kaas oo ahaa Madaxa Jabhadaha Al Shabaab ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
“Hawlgalka oo loo diyaariyay, loona fuliyay si qorsheysan ayaa lagu khaarijiyay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta Al Shabaab, laguna magacaabi jiray Axmed Sheekh Cumar Caddow Gacal, oo ahaa Horjoogaha Jabhadaha Khawaarijta ee Gobolka Shabellaha Dhexe, kana mid ahaa maleegayaasha weerarada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo door ku lahaa isku-duwidda dhaqdhaqaaqyada maleeshiyaadka iyo qaraxyada ay Khawaarijtu ka fulin jireen Gobolada Shabellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.” Ayaa lagu yiri warka.
Warka ayaa lagu bogaadiyay ciidamada fuliyay hawlgalkan, waxaana warka lagu muujiyay in ay sii socon doonaan hawlgalada ka dhanka ah Al Shabaab, illaa iyo inta laga ciribtirayo maleeshiyada.
“Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka waxay bogaadinayaan geesinimada iyo naf hurnimada ciidanka, waxayna mar kale caddeynayaan in hawlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ay si joogto ah u socon doonaan, illaa laga ciribtiro haraadiga cadowga ummadda Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri warka.
Dhanka kale ciidamadan oo horaantii bishan dhaqdhaqaaq ka bilaabay aagga Masagawaa ee Gobolka Galgaduud ayaa maalmahaanba hawlgal ka waday dhulka hawdka ee galbeedka gobolkaasi.
Ciidamada ayaa waxay sidoo kale Axaddii ay hawlgal sifayn ah ka sameeyeen dhulka miyiga ee u dhaxeeya deegaanada Baraagta Sheekh Caamir iyo Xuseen Cagey oo hoostaga Degmada Galcad.
Hawlgalka sifaynta ayaa muhiim u ah in Shabaabka aan badneyn laga kiciyo dhulka fog ay ku daadsan yihiin, si loo gaaro meelaha ay ku awoodda badan yihiin.
Ciidamadan isku fidiyanaya miyiga ayaa waxaa suurtal ah in ay u jiheystaan dhinaca deegaanka Cowsweyne oo hoostaga Degmada Galhareeri, isla-markaana ay Al Shabaab ku xoogan tahay.
Shabaabka ayaa aagga Cowsweyne ku leh mid ka mid ah saldhigyadooda ugu waaweyn, isla-markaana ay ka ilaalinayaan amniga labada magaalo ay ku xoogan yihiin ee Galhareeri iyo Ceelbuur.
Warbaahinta ayaa fahamsan in ciidamadu aysan si fudud ku gaari karin Cowsweyne, iyaga oo aan marka hore xaqiijin amniga dhulka miyiga ee u dhaxeeya Baraagta Sheekh Caamir iyo Cowsweyne.
Deegaanka Baraagta Sheekh Caamir ayaa ku yaala meel istiraatiiji ah, wuxuuna qayb ahaan isku xiraa bariga Gobolka Galgaduud iyo dhulka hawdka ee galbeedka gobolkaasi.
Hawlgalkan socdo ayaa waxaa ku lug leh cutubyo ka tirsan Guutada 77 ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo kaashanaya Macawiisleyda Gobolka Galgaduud ee loo abaabulay la dagaalanka Al Shabaab.
Ciidamada Ururka 86aad ee Aar ayaa ka dhex muuqdo hawlgalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ay ciidamadu ka wadaan gobolkaasi.
Xoogaga Aar ayaa ka tirsan Guutada 77, waxaadna mooddaa in si gaar ahi loogu talagalay in ay uga hawlgalaan qaybo ka mid ah xuduudda Gobolada Galgaduud iyo Shabellaha Dhexe, marka aad eegto in meelaha ay haatan ku sugan yihiin ay ku dhow yihiin xuduudda goboladaasi.