Marxuumad Saabiriin Saylaan Cabdille ayaa gelinkii dambe ee maanta lagu aasay Magaalada Gaalkacyo, maalin ka dib markii dil toogasho lagu xukumay haweeneydii ku eedeysneyd in ay jirdilka ugu dishay magaaladaasi.
Qoyska iyo ehelada marxuumadda oo uu kaabayo Ururka Haweenka Gobolka Mudug ayaa si weyn uga biyo diiday in la aaso marxuumad Saabiriin Saylaan, iyadoo aan caddaalad helin.
Maxkamadda Darajada 1aad ee Degmada Gaalkacyo ayaa Isniintii dil ku xukuntay Hodan Maxamuud Diiriye, taas oo lagu helay in ay iyadu gacanteeda ku dishay gabadhaasi oo 14 jir ahayd. Cabdicasiis Nuur Xaashi oo ahaa sayga Hodan Maxamuud ayaa isna lagu xukumay hal sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya shan boqol oo dollar. Maxkamadda ayaa ninkaasi ku heshay in uu dayacaad sameeyay, maadaama gabadhaasi lagu dilay gurigii uu deganaa.
Saabiriin ayaa 12-kii bishan u geeriyootay jirdil muddo dheer loogu gaysanayay guriga qoyskii ay la nooleed, oo ehel ay ahaayeen. Saabiriin ayaa ahayd gabar ay waalidiinteedu geeriyoodeen.
Dilkan ayaa carro baahsan ka abuuray gudaha Magaalada Gaalkacyo, iyadoo cid walbana ay ka soo horjeedsatay Hodan Maxamuud oo ah hooyada 13 carruur ah.
Xukunka dilka ah ee lagu xukumay Hodan Maxamuud ayaa lagu saleeyay rabitaanka qoyska Saabiriin Saylaan, kuwaas oo ku adkeystay in ay doonayaan in ciqaabta ugu adag la marsiiyo haweeneydaasi.
Gabdho la dhashay marxuum Saabiriin Saylaan iyo xubnaha kale ee qoyska ayaa illaa iyo hadda ka biyo diidan in wax mag ama diyo ah ay qaataan. Hodan Maxamuud ayaa ah dil suge, haddii aysan rafcaan ka qaadan xukunka dilka toogashada ah ee ay ku xukuntay Maxkamadda Darajada 1aad ee Gaalkacyo.
Meydka Saabiriin ayaa tan iyo markii ay geeriyootay ku jiray qaybta qaboojiyaha Isbitaalka Weyn ee Gaalkacyo ee meydadka lagu kaydiyo.
Dadweyne fara-badan ayaa ka qaybgalay aaskeeda oo ka dhacay Qabuuraha Gaalkacyo. Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee qaybta Puntland, Faysal Sheekh Cali iyo masuuliyiin kale ayaana ka mid ahaa dadkii ka qaybgalay aaska marxuumad Saabiriin Saylaan.
Gudoomiye Faysal Sheekh Cali ayaa aaska ka dib sheegay in dilka arxan darrada ee ceynkani oo kale aan la aqbalin karin, isagoona ballanqaaday in kiiskan uu ku dhammaan doono caddaalad, welibana si ay ku qanacsan yihiin qoyska iyo ehelada marxuumadda.
