Wasiirka Amniga Somaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Wasiirka Amniga Galmudug, Aadan Warsame Cilmi (Deeq Gargareeto) oo booqasho ku yimid caasimadda.
Kulanka ayay kaga wada hadleen arrimaha amniga Galmudug iyo dadaalada lagu horumarinayo hay’adaha ammaanka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Wasiir Fartaag ayaa Wasiirka Amniga Galmudug u sheegay in wasaaraddiisu ay gacan ka gaysan doonto hirgelinta siyaasadda qaranka ee lagu horumarinayo laamaha amniga Galmudug, sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug.
“Wasiir Fartaag ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Amniga Galmudug dadaalka wax ku oolka ah ee uu ka wado Galmudug.” Ayaa lagu yiri warka.
Dhanka kale ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in kulanka si dhow looga hadlay amniga Doorashada Golaha Deegaanka ee lagu wado inay dhawaan ka qabsoomto Galmudug.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug ayaa lagu wadaa inay soo saarto habraacyada ay Musharaxiinta Ururada Siyaasadda uga qayb qaadanayaan Doorashada Degmooyinka Galmudug.
Wasaaradda ayaa sidoo kale shaacin doonto Xubnaha Musharaxiinta Degmooyinka ee ku tartamaya doorashadan, marka ay Ururada Siyaasadda soo dhameystiraan liisaskooda.
Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa deegaanadeeda ka qabaneysa doorasho qof iyo cod ah, iyadoo raaceysa qorshaha qaran ee Dowladda Federaalka ay dalka ku gaarsiineyso doorashada tooska ah.