Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay shirka isbahaysiga ka soo horjeeda DF ay ku yeelanayaan Kismaayo

Wararkii ugu dambeeyay shirka isbahaysiga ka soo horjeeda DF ay ku yeelanayaan Kismaayo

by Laacib

Magaalada Kismaayo ayaa looga diyaargaroobayaa shirka ay martida gelineyso Jubbaland ee looga hadlayo masiirka dalka, iyadoo ay ka maqan tahay Dowladda Federaalka.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in dhaqdhaqaaq la xiriira qabsoomidda shirkan uu ka socdo Xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee Kismaayo.

Shirkan ayaa waxaa yeelanaya Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta iyo Madaxweyneyaasha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni).

Dhinacyadan ayaa shirka kaga arrinsanaya xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda iyo khilaafka ka taagan arrinta doorashada, waxaana suurtagal ah in shirkaasi laga soo saaro go’aamo la xiriira jihada uu dalka aadayo, marka uu dhammaado muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo billo ay ka harsan yihiin.

Arrinta doorashada waa sababta ugu weyne ee dhinacyadan ay isugu tagayaan Magaalada Kismaayo, ka dib muddo uu soo jiitamayay khilaafka ka taagan nooca doorasho ee dalka laga qabanayo sanadka soo socda.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo Xubnaha Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed ayaa 13-kii bishii August ku guuldareystay in la dhameeyo is mari-waaga ka taagan doorashada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa daba-yaaqadii bishii August ku guuleystay in uu laba u kala jebiyo Madasha Samatabixinta, markaas oo uu heshiis la galay afar ka mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka oo kala ah Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo labaduba soo noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Raysal Wasaarihii hore ee dalka iyo Ex Wasiir Daahir Maxamuud Geelle, balse garabka kale ee weli mucaaradsan siyaasadda Villa Somalia ayaa ah kan ugu saamaynta badan, iyagoo taageero ka haysta Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay xurguf siyaasadeed kala dhaxeyso.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxay sidoo kale shirkan ku soo martiqaadday Ururada Bulshada Rayidka, Odayaasha Dhaqanka qaarkood iyo Ex Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Farmaajo ayaan weli wax faallo ah ka bixin, haddii uu shirkaasi ka qaybgelayo iyo haddii kaleba, waxaase cad in aanu la dhacsaneyn qaabka ay Dowladda Federaalka u maamuleyso doorashada, isagoona doonaya in dalka laga qabto doorasho heshiis lagu yahay, iyadoo aanu jirin dib u dhac iyo muddo kororsi ay sameyso dowladda uu Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaamiyo.

Dowladda Federaalka ayaa waxay la socotaa in dhinacyada ku kulmaya Kismaayo ay miisaan siyaasadeed leeyihiin, isla-markaana ay ka shaqeynayaan inay mowqif adag ka qaataan xaaladda kala guurka ee siyaasadda dalka.

Dhanka kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Villa Somalia ay dadaal ugu jirto, sidii loo baajin lahaa shirkaasi, iyadoo u mareysa diblomaasiyiinta shisheeye ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho.

Dadka odoroso siyaasadda dalka ayaa qaba in shirkaasi uu baaqan karo, haddii Dowladda Federaalka ay ogolaato in mar kale miiska wada hadalka la isugu yimaado, si loo dhameeyo khilaafka hareeyay doorashada.

Shirkan ayuu qorshuhu yahay in 10-ka illaa 15-ka bishan uu ka furmo Magaalada Kismaayo, mana jirto cid si madaxbannaan u xaqiijin karta in la baajinayo, waxaase suurtagal in dib u dhac uu ku yimaado muddada uu ka furmayo magaaladaasi.

Dowladda Federaalka ayaan dalka ka qaban karin doorasho lagu kala qaybsan, si aan loo lumin taageerada Beesha Caalamka iyo dhaqaalaha ay deeq-bixiyeyaashu ku bixiyaan doorashooyinka dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc